Yoolnews.com
“Ninka Madaxweynaha Ah Ee Riyaale Iminka Yaa Aaminaya Hadalkiisa, Mar Haddii Ninkii Masuuliyada Ugu Saraysa Ee Dalka Hayay La Leeyahay Waa Beenaale Iyo Ballan Ayuu Ka Baxay ” Muuse Biixi Cabdi
July 3, 2022 - Written by Yool News
Hargeysa (Yool)-Madaxweynaha uu muddo xilleedkiisii sii dhammaanayo ee Muuse Biixi Cabdi ayaa wakhtigii uu Madaxweyne Riyaale tallada dalka hayey ahaa mucaarad ka soo horjeeday hoggaamintii Madaxweyne Daahir Riyaale ,kaas oo si joogta ah u dhaliili jiray maamulkii UDUB,hase-yeeshee hadda oo uu Muuse Biixi kursigii Madaxweynenimada dalka hayo, ayaa waxa cad in shalay ficiladii iyo dhaqamadii uu ku dhaliili jiray Madaxweyne Riyaale uu Madaxweyne Muuse maanta wax ka xun samanayno ama uu sameeyey-ba.
Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta waxa xujo ku ah wixii uu shalay lahaa ee ku dhaleecayn jiray Madaxweyne Riyaale, maddaama oo uu ficiladiii uu diidanaa iyo kuwa kaleba uu samaynayo hadda Madaxweyne Muuse,kuwaas oo ah qaar halis ah,isla markaana dhaawacaya Qaranimada Somaliland.
Haddaba Madaxweyne Biixi ayaa bishii June sannadkii 2009-kii mar uu la hadlayey war-baahinta waxa uu si addag u dhaliilay Madaxweyne Riyaale ayaa waxa kamid ahaa haddaladiisii kuwan:-“Waxaan jirin daacadnimadii ninka Madaxweynaha ah iminka ayaa aaminaya hadalkiisa, markaa hadii ninkii masuuliyada ugu saraysa ee dalka hayay la leeyahay waa beenaale ama ballan buu igaga baxay waa ayaan darro oo milgihii xafiiska ayuu kharibay..”ayuu yidhi Muuse Biixi oo eedaynayey Madaxweyne Riyaale bishii June sannadkii 2009-kii.
Dhanka kalene Madaxweyne Muuse Biixi ayaa hadda waxay mucaaradku ku tilmaamaan inuu yahay shaqsi ku caan ah ballan ka bax ah,isla markaana aanay qawlkiisa iyo ficilkiisu is waafaqsanayn “Muuse Biixi waxaan leeyahay khudbadaada iyo ficilkaagu ha is yeeshaan,Madaxweyne Muuse Biixi Isma Waafaqsana Haddalkiisa Iyo Ficilkiisu..”ayey yidhaah-dee Guddoomiyayaasha Xisbiyadda UCID iyo WADDANI

COMMENTS
Latest News