Yoolnews.com
Muuse Biixi: Damaca Kursiga Iyo Jiritaanka Somaliland ee Mustaqbalka
April 26, 2022 - Written by Yool News

 

Tan iyo intii xilka madaxtinimo ee Jamhuuriyadda Somaliland la wareegay Md. Muuse Biixi Cabdi, waxa saaxadda siyaasada ee Somaliland ku soo noqnoqonayey hadalo iyo weedho isugu jirey cunfi kala fogeynayey bulshda iyo qaar kaloo mindi mindi ku-taag ah, kuwaaso iyaguna wiiqay ama dumiyey rajada iyo yididiiladii bulshada reer Somaliland ku taamayeen mudada 30-sanno baarka-ka joogeysan.

Weedhahaasi xanafta iyo xajiinta badan kasoo yeeshay masuuliyiinta Xukuumada intii uu xilka hayey Md. Muuse Biixi, waxa ka mid hadalkii u dhignaa fool-xumadii qarniga ee kasoo yeedhay Taliyaha Ciidanka Qaranka Somaliland Md. Nuux Ismaacil Taani, kaasoo sida laga wada dheregsan yahay uu ku durayey bulshada baaxada weyn ee ku dhaqan gobolada Bariga Somaliland, kuwaasoo “..Xaashe’e..” ku tilmaamay qaar joogitaankoodu hagardaamo qaranka ku yahay, isla markaana hunguri ku ah Somaliland. Waxa kaloo taa xigtey, waa hal-ku-dhigii Soomaalida’e “..Meyd maxaa u danbeyey iyo kaa la sii sido..”. Hadalkii anashaxa siyaasada iyo cunfiga dawladnimada ka aradnaa ee kasoo yeedhay Taliya Ciidanka Booliska Somaliland Md. Daba-gale, kaasoo is taa hore la mid ah isaguna ku weeraray mudane ka tirsan Glaha wakiilada, lagana soo doortay gobolka Awdal, kadib markii uu isugu daray weedho isugu jirey aflagaado, hanjabaado iyo shaki gelin Somalilandnimadiisa ku saabsan.

Aflagaadooyinka aan loo miidan-deyn ee masuuliyiintaas iyo raali gelin la’aanta Madaxweyne Biixi ee hadalada hawlwadeenadiisu kula dul-ku-feen shacbiga Madaxweynaha u yahay kolka laga yimaado. Waxa kaloo iyana xusid mudan weedhaha cunfiga siyaasada ka aradan ee sida joogtada ah uga soo yeedhayey Madaxweyne Biixi iyo xubno ka tirsan Golihiisa Wasiirada, oo aynu ka xusi karno Wasiirka Daakhiliga Md. Maxamed Kaahin iyo Warfaafinta Md. Saleebaan Cali Koore, kuwaasoo kolka sharciyan loo eego nuxurkoodu ahaa distoor jebin, kelamadaas dhawrkii bilood ee u danbeyey bulshada dhegahooda lagu soo celcelinayey, waxa ka mid ah “..Ururadii way furan yihiin..”. Iyo “.. Doorashada Madaxtooyada waxa kasoo horeyn doonta mida Ururada..”.

Hadaba hadaladaa lagula kacay bulshada ku dhaqan Gobolada Bariga iyo Galbeedka Somaliland iyo weedhahaa kutumashada sharciga ee kasoo yeedhayey Madaxweyne Biixi iyo masuuliyiinta u sareysa Xukuumadiisu, waxa ay u muuqdaan laba arimood midkood waa mid hore Md. Biixi inuu is tusay in aanay jirin Somaliland-ta maanta cid wax ka ridan karta oo isaga u ba-bac dhigi kartaa, maadaama oo ay sidaa tahayna uu ku dhaantaynayo hal-ku-dhigii ahaa “..La jiifiyaana ba’naan, la joojiyaana ba’naan..”. Iyo mida labaad oo iyana ah inuu go’aansaday in aanay jirin Somaliland wax la yidhaahdo oo dabi-jirta, sidaas awgeed isaguna aanu dan iyo muraad toona ka lahayn hadii Gobol dadka ku dhaqan la caayo iyo hadii la laayo toona.

Si kastaba ha ahaatee, waxa wax waliba kala cadaan doonaa Lixda bilood ee fooda inagu soo haya, kolkaas oo ama Madaxweyne Biixi ayay riyadiisii u rumoobi ama waxa iman xaqiiqo taasi ka duwan oo bukshadu raali ku tahay Bari min Galbeed.

COMMENTS
Latest News