Yoolnews.com
Sarrif-bararkii La Qabay Ee Sicir-bararka Maxaan Ka Yeelnaa? Xuseen Cali Nuur
March 3, 2022 - Written by Yool News

Sarrif iyo sicir-barar waxay Jamhuuriyadda Somaliland ka bilowdeen dabayaaqadii 1991kii, markii markabkii ugu horreeyey ee ganacsi oo raashin sidaa, ku soo xidhay dekedda Berbera.

Waxaanay ahayd dhammaadkii ganacsatada yar-yar ee doonyaha badeecadaha iyo raashinka ku keeni jiray.

Isla sannadkaa iyo bilowgii 1992-kii waxa Meesha ka baxay dhaqankii kala xadeyn jiray ganacsatada dibadda wax ka soo waaridda, bakhaarleyda iyo kuwa tafaariiqda wax ku iibiya.

Jamhuuriyadda Somaliland 1995kii waxay ku jirtay marxalad aad u adag. Miisaaniyadda Xukuumaddu way ka yarayd hantida maalqabeen qudhi maanta leeyahay.

Suuqa xorta ah oo loogu danaynayey ganacsatada, lagagana xoreynayey qaab dhaqankii xakamaha ku hayey ee laga sii daayey, ayey ganacsatadu ribix iyo faa’iido dheeraad ah ka doorteen inay shacbiga wax ugu taraan.

Sarrif bararkii dabayaaqadii 1991kii bilaabmay wuxuu ka dhashay sarrifleyaal suuqa jooga iyo kuwo ka dambeeya oo sida ay doonaan sarrifka dalka go’aan uga gaadha. Waana sababta ugu weyn ee sicir bararka maanta jahwareerinaya shacbiga keenay.

Noloshii iyo awoodii wax iibsasho way ku adkaatay, maanta way ku adag tahay shacbiga danyarta ah.xilligaa Xukuumaddii jirtay ee uu madaxweyne ka ahaa Alle ha u naxariistee Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal waxay dalka keentay raashin. Waxayna qiime jaban kaga iibisay  bakhaarleyda iyo tafaariiqleyda, iyadoo u ogolaatay faa’iido caqliga geli karta.

Shilinka Jamhuuriyadda Somaliland oo la soo daabacay isla sannadkaa wuxuu dalka ka xoreeyey ku xidhnaantii shilinka Soomaaliya ee Giimbaarta loo yaqiin. Heerka sarrifkuna wuxuu noqday maangal ah.

Awoodii shilinka Somaliland may raagin, waxana sabab u ahaa sarrifleyda, danaysteyaasha iyo kuwo diidanaa in lagu dhaqmo.

Waxa la gaadhsiiyey in halka doolar oo 1995kii ahaa 50 Shilin SL ah uu gaadho 8,500 Shilin.

Maanta sarrifka cirka isku shareeraayey, korodhkiisii laga nasay waxana guushaas iska leh Baanka dhexe ee Jamhuuriyadda Somaliland. Waxase ayaan darro ah in sicir-bararka cuntada iyo daruuriyayaasha kale sahankiisii cirku weli halkiisii ka sii socdo. Xiligan ay dalka abaartu ku baahsan tahayna ahayn mid loo dulqaadan karo.

Qiime korodh xilligan dhacaa maaha mid lala yaabo, waxase u qaadan waa ah dhaqanka ganacsi ee dalka ka jira. Waxana tusaale ahaan inoogu filan heshiiskii Roodhiileyaasha, fashilaadiisii oo ka dhalatay khilaaf dhexdooda ah oo la xidhiidha qiimaha xabbada Roodhida ah oo ay 3,000 SL Sh ku heshiiyeen inay maanta ku iibinayaan 1,500 Sl SH.

Suuqa xorta ah lagama maarmo hadduu tartan caafimaad qabaa ka jiro, waxayse ila tahay:

In la ogaado qiimaha dhabta ah ee cuntada iyo badeecadaha aasaasiga ah inta uu dunida ka joogo.

In wax-soo-saarka dalka ee baahiyaha aasaasiga ah ku wajahan la kordhiyo.

In laga feejignaado ganacsiga jaantaa roganta ku dhisan ee maanta lagu dhaqmayo.

In la kala xadeeyo  heerarka ganacsi oo loo kala saaro Ganacsadaha wax soo dejiya, kuwa wax dhoofiya, kuwo wax dhoofiya waxna soo dejiya, kuwa jumladleyda ah iyo kuwa tafaariiqda wax ku iibiya.

Waxaan leeyahay maanta oo dalka abaar baahsani ka jirto, dalalka dariska ah dad iyo xoolo ka soo qaxeen waa arrin loo bogo dedaalka shacbiga iyo Xukuumaddu ugu gurmanayaan dadkeenna, xoolaheenna, deegaankeenna iyo deriskeenna abaartu hayso.

Waxa is weydiin leh xilliga la xakameyn doono sicir-bararka aan xadka lahayn, lana nidaamin doono. (NUURAAY NIN KU NECEB IYO NIMAAN  KAA NAXAYN NAFTAYDU MA DOONTO OO NACAY”

Ilaahayoow abaarta naga dul qaad. Si baryadeenu maqbuul u noqotana Ilaahay aan u noqono.

W/Q Xuseen Cali Nuur

COMMENTS
Latest News