Yoolnews.com
Mushkilada Yukrayn iyo danaha laga kala leeyahay iyo saamaynteeda kala duwan ee ay inagu yeelan karto.
February 20, 2022 - Written by Yool News
Ruushka iyo Yukrayn
Labadan wadan waxaa ka dhaxeeya xidhiidh soo jireena dhaqan iyo dhiig iyo diinbana ah.Yukrayn waa wadanka labaaad ugu wayn jamhuuriyadihii midawgii Soofiyet Ruushka ka dib, waxaa taariikhyahanadu tilmaamaanba in caqiidada diinta ee ay Ruushku aaminsanyihiinba uga timi dalka Yukrayn. Dhanka isir ahaanta markaad eegto waa dad isdhalay xaga ilbaxnimada iyo xadaaradana waxaaba caasimada dalkaas Yukrayn lagu naanaysaa hooyadii magaalooyinka Ruushka, ilaa maantadaa luqada Ruushku saamayn wayn bay ku leedahay dalkaas waxaana ku nool dad ilaa 8 milyan lagu qiyaasay oo Ruusha.
Ahmiyaday Yukrayn u leedahay Ruushka.
1- Ahmiyadaha ay uu leedahay Ruushka oo siyaabo dhawra loo kala qaadi karo waxaynu ka taabanaynaa kuwo ka mida waa ta koobaade sida uu Puttin mararbadan sheegay inay labada shacab ee labadan yihiin hal dad wadaagaana dhaqan iyo dhiigba wuxuu Ruushku rabaa inay teed uga noqoto Reer galbeedka kuwaas oo kusoo fidaaya dhankaas iyo xuduuda Ruuskhka.
2- Waxay kaloo muhiim ugu tahay Ruuskha dhinaca marinka biyaha oo aan uga jeedo inaanu bada madaw meel uu u maraa jirayn hadaanu Yukrayn gacanta ku hayn waana sababta keentay inuu jasiirada (Crimea) qabsado oo waliba Ruushka ku daro 2014.
3- Muhiimada kale sadexaad waxay tahay in dhuumaha gaasta dabiiciga ah qaada ee Ruushku Yurubta ka iibiyo ay sii dhex maraan wadankaas halkaas oo Yukrayn iyada lafteedu lacag lagu qiyaaso 2 Miliar Dollar ay u hesho khidmad ahaan balse hada ka dib dhuumo kale oo Ruushku qorshaynaayo ayaa sababay inanay ahmiyad badan usii yeelan doonin Ruushka marka la eego dhinaca dhuumaha gaasta.
Maxay Reer galbeed ka rabaan Yukrayn.
Ujeedada uguwayni waxay tahay inay kooxdooda ka mid noqoto oo ay ku soo biirto quwada NATO sidoo kalena aad ugu sii dhawaadaan xuduuda Ruushka waayo haday NATO Yukrayn gacanta ku dhigto magaalada madaxweyne Puttin ee (Saint petersburg) waxay ka fogtahay 200 km oo qudha sidaas darteed buu Puttin isba ogsoonyahay halista ka iman karta haday nimankaas kusoo durkaan.
Waxay kaloo rabaan inay saldhigyo milateri ka samaynstaan sidoo kalena dhigaan gantaalaha ridada lidka gantaalaha ka hortaga kuwaas oo gantaalaha Ruushku ugu hanjabaayo Reergalbeed ay ku qaban karaan intaanay xuduudiisaba ka soo bixin taasoo sababi karta inay qiimihii gantaalihiisu lahaayeen waayaan inkastoo gujisyada bada quusa iyo diyaaradoba ay qaadaan hubkiisa.
Saamaynteeda wadamada bariga dhexe.
Inkastoo hubkoodu ina soo gaadhayn hadana saamaynta ugu wayn ee la filanayaa waa dhinaca shiidaalka oo Ruushka u gaara iyo dhinaca cunada tusaale ahaan waayo waxay labadan wadan aad ugu caanyihiin dhinaca dalaga qamadiga taas oo nolosha wadamo badan oo bariga dhexi ahi ku tiirsantahay, tusaale Masar oo ah wadanka qamadiga ugu badan dunida loo iibgeeyo ayaa 50% Ruushka ka keensada halka 30% uu ka keensado Yukrayn halka wadamada Lubnaan,Liibiya,Yemen,Moroko,Aljeeriya dhamaantood ku tiirsanyihiin iyana qamadigooda u fiirsoo qamadigu waa kaa daqiiqda laxooxda iyo rootiga subixii aynu guryaheena ku cuno laga sameeyo.
Dhanka shiidaalka aduunka ayaa la rajaynayaa inuu aad u sii kordho oo qiimihiisu cirka isku shareero waxaa kale oo saamaynta ugu wayn ku dhacaysaa qaarada Yurub oo dagaal wayn oo noocaas oo kale ah ay ugu danbaysay dagaalkii aduunka, waxaa kale oo saamaynta wayn ku yeelanaysa waa gaasta wadamada galbeedka yurub oo 36% in lagu qiyaaso ayey ka heshaa Ruushka kaligii sidaas darteed dhaxamahan Yurub diyaar u maha ah qabow.
Gebogegada sheekada.
gunaanadka warkoo kooban ayaa ah inaanay labada dhinac midina diyaar u ahayn dagaal mid kastaana uu khasaare ku filan soo gaadhaayo, waxaa kaloo jirta inay Yurub waxa ka baratay dagaaladii dunida iyo sidii ay u saameeyeen nolosha dadkooda sidaas darteed waxaa ka dhalatay aragtida odhanaysa xataa haday inagu is qabano aynu ku dagaalano meel ka baxsan Yurub iyo guryaheena waana sababta aad u maqlayso Reer galbeed iyo Ruushka oo Suuriya ku loolamaaya ama Liibiya ama Mali ama Venzuela ama meel kale.
Markay timaado kee gardaran se kee laga gardaranyahay baa waxay jawaabtu inaga galayso rako waayo reer galbeedna daandaansi daymaayaan iyo inay ninkaas kusii durkaan isna nin hurda maaha oo waa nin soo jeeda oo masaalixda wadankiisa ilaalinaaya, waxa meesha alaberi laga dhiganayaa uun waa Yukrayn waxayse ku xidhantahay siday siyaasiyiintoodu wadankaas ugu badbaadiyaan sharka labada dhinacba iyagoo mid walba la saaxiibaaya danahooda iyo masaalixdoodana ka raacanaaya beerka jecli xaydha jecli waayo Soomaalidu horey u maahmaahday oo u tidhi gacantaadu haday dhudhub gasho laguma soo dhufto ee waa laga soo dhiraandhiriyaa. Waayo Ruushna waxba kama qaban karaan oo waa wadan Nukliyeer haysta Reergalbed ku biiritaankooduna buuq iyo wareer ka biximaayaan waayo waa ninaydin xuduud wadaagtaan .

COMMENTS
Latest News