Yoolnews.com
Ma Maalin Madaxweyne Aamusa?
February 20, 2022 - Written by Yool News

Gunti Giijis !

Waxa Qoray Ahmed Ismail Abdi

Xaaladaha adag ee Sicir Bararka iyo Abaaraha leh ee taagani maaha xilliggii Hoggaamiye ummadeed ka aamusi lahaa !

Madaxweynaha waxa looga baahan yahay inuu ummadda u sheego waxa xukuumadiisa uga qorsheysan! Hadda Hadal na waa dan !

Hadii aanu Madaxweynuhu awoodin hadalka, waa inuu samaystaa Afhayeen Ummadda soo gaadhsiiya qorshayaasha Xukuumadu kula taacaalaysa Sicir bararka iyo Abaaraha si todobaadle ah !

Sida ay xaaladu u adag tahay iyo sida aan xataa loo abaabulin qaybihii bulshada ee xaalada ka qayb qaadan lahaa isma laha. Ganacsatada, Qurbe joogta iyo qaybaha kale ee bulshadu waxay noqon karaan xoog waxtar leh hadii laga hawl galo.

Guddidda Abaaraha oo hore bulshadu u saluugsanayd ayaa u muuqda kuwo aan hadda helayn taakulo badan oo Muwaadiniinta wax haystaa ku wareejinayaan. Wasaaradaha u xil saaran wax ka qabashada Sicir Bararka, iyo kuwa qaabilsan Biyaha, Xoolaha iyo Masiibooyinka, ayaan iyaguna ahayn kuwo uba diyaarsan shaqadan !

Xilli Roobaadkii sida Alle looga bartay waxa ka hadhsan ku dhawaad 2 Bilood. Si dadka iyo xoolaha wakhtigaa loogu simo, waxa Xukuumadda la guudboon:

1. In Guddida Abaaraha oo lagu xoojiyo qaybo kale oo bulshada ka mid ah sida ganacsatada, Culimada iyo dhaqanka, loogu na qaybiyo kuwo isku duba rida dhaqaalaha iyo kuwo u xilsaaran qaybinta.

2. In Guddida Abaaraha qaybta qaybintu ay degto gobolada Abaaruhu ugu  daran yihiin, kuna sugnaadaan 2 Bilood ee soo socda.

3. In qaybta taakulooyinka loo adeegsado Gaadiidka Ciidamada, iyo kuwa Shacabka ba si dad badan wakhti kooban loo gaadho.

Sicir Bararka oo waxyaabo badan oo is barkani keeneen waxay u baahan yihiin xalal wakhtiga dhaw ah iyo kuwo wakhtiga fog ah.

Kuwa deg degga ah ee Xukuumaddu qaadi karto waxa ka mid ah:

1. In Xukuumaddu muddo 60 Maalmood ah Cashuurta ka dhaafto guud ahaanba Maceeshadda sida Maalinlaha ahi shacabku u quutaan, ganacsataduna qiime jaban ku iibiyaan.

2. In Xukuumaddu hakiso kor u qaadidda Tayada shidaalka ee Trafigura oo halkii hore ku soo celiso, ilaa inta heshiiska shirkadaasi la horkeenayo Baarlamaanka.

Ma Maalin Madaxweyne aamusaa baa?

COMMENTS
Latest News