Yoolnews.com
Jidkii cusbaa ee uu Cabdikarim Mooge u maray xilka uu maanta hayo.
January 21, 2022 - Written by Yool News
Cabdikariin Axmed Mooge jidkii uu usoo maray xilka uu maanta hayo oo ahaa mid ka duwan jidadka Soomaalidu u maraan waxa ay ahayd in la falanqeeyo in badan, in buugaag laga qoro, in daraasado laga diyaariyo inta aanu mar kale xidhmin.
Wax mucjiso ah ma ahayn, awood ka baxsan inta la yaqaanana ma uu adeegsan. kaliya waxa uu ka leexday dhabbadii qardajeexa ahayd, qarfaha ahayd, qodxaha badnayd ee qaladka ahayd.
Waxa uu ka leexday dhabbadii keliya ee Soomaali mari jirtay, maritaankeeda la eedi jiray, balse aan waxba la iska waydiin jirin dhibka lagu qabo iyo in dhabbo kale jirto.
Waxa uu kursiga usoo maray dariiqii toolmoonaa ee isaga oo innoo dhow aynaan arki jirin.
Waa dariiqa maristiisa la mahadiyo.
Maal kagama bixin odayaal, maal iyo nabar kama tegin isna masoo gaadhin oo muu noqon laaluushe iibsada kalsoonida.
Simply waxa uu dadka u sheegay wax aan loo sheegi jirin oo ah sida saxda ah.
Dadku waa gob. wixii loo sheego uunbay ku dedaalaan. tii hore ee qaldanayd way ku dedaali jireen, waayo waxa kaliya ee la baray ayay ahayd , midda mooge u sheegayna markay maqleen way garteen in ay kasii fiicantahay.
Mihiimaddu maaha mooge iyo in aan idiin ammaanayo, waa in jidkaas aan halkaas lagu illaabin oo aan la marin halkii cagtu innaga baratay.
Waxa muddo kooban uu ku jebiyay derbi boqollaal sanno soo dhismayay, ilaa haddana dhismihiisu socday oo ahaa derbi madaw.
Mar hadduu furay albaabkaa adag, yaanu xidhmin oo ha la helo ragga hanka leh siiba dhalinyarada jidkaa dhagaxa kasii gura oo daamur dhiga.
Wabillaahi tawdiiq.
Sadiiq Burmad

COMMENTS
Latest News