Yoolnews.com
Wasiirka amniga Soomaaliya oo faray booliiska inay sugaan amniga iskusoo bax ka dhacaya Muqdisho
January 14, 2022 - Written by Yool News
Wasiirka amniga Soomaaliya Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa soo saaray qoraal uu ku farayo taliska booliiska Soomaaliya iyo taliska booliiska gobolka Banaadir in ay sugaan amniga isisoo bax Muqdisho ay ku qabanayaan gole la magac baxay golaha badbaadada Banaadir.

Wasiir Cabdullaahi ayaa ku tilmaamay isisoo baxan oo berito ka dhacaya Muqdisho, inuu yahay mid nabadeed oo ay kasoo codsadeen golaha badbaadada ee gobolka Banaadir.

Maamulka gobolka Banaadir ayaa dhawaan mamnuucay iskusoo baxaan, iyagoo sheegay in ay u arkaan inuu yahay iskusoo bax siyaasadeed oo laga leeyahay ujeedooyin gaar ah.

COMMENTS
Latest News