Yoolnews.com
Mudaharaad Laggaga Soo Horjeedo Mahdi Guuleed Oo Lagga Qaban-qaabinayo Muqdisho
January 14, 2022 - Written by Yool News

Bulshada kasoo jeedda Gobollada waqooyi (Somaliland) ee ku Sugan Magaalada Muqdisho ayaa Wasiirka amniga XFS u dirtay warqad ay uga dalbanayaan in loo ogolaado Banaanbax ka dhan ah Raysul Wasaare ku xigeenka Dalka Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar).

Ururka Midnimo oo ay ku bahoobeen Dadka kasoo jeeda Gobollada Waqooyi (Somaliland) ayaa horkacaya dalabkaan waxa uuna sheegay in Banaanbaxaan uu yahay “Mid Nabadeed” ay ku muujnayaan Tacadiyo iyo Cabashooyin ay ka qabaan Xildhibaan Mahdi Maxamed Guuleed oo awoodda Dowladda uga faa’ideysanaya “in uu boobo kuraasta gobollada Waqooyi”.

Wasiirka Amniga XFS Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Nuur ayuu Ururka Midnimo sheegay in uu ka codsaday dibadbaxaan kana aqbalay si dareenkooda ay ugu muujiyaan dibadbax nabadeed oo ay kusoo bandhigayaan cabashadooda.

Sakariye Nuur Saajin, Guddoomiyaha Dallada Midnimo ayaa Mustaqbal u sheegay in Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Dalka Guuleed uu kahor taagan yahay xuquuqda ay ku leeyihiin Dowladda Federaalka si ay u helaan, sidoo kale uu faragelin ku hayo Doorashada Gobollada Waqooyi (Somaliland) sida uu hadalka u dhigay.

‘’Banaanbaxa aan dalbanay waxa aan uga soo hor jeednaa Raysul wasaare ku xigeenka Mahdi Maxamed Guuleed oo u adeegaya ninka 1-sano iska fadhiya Villa Soomaaliya sharciyad la’aanta, mana jirto cid naga hor istaagi karta waayo waxa aan fasax ka heysanaa Wasaaradda Amniga oo aan ku wargelinayay in dibadbaxeenu uu yahay mid nabadeed oo aan ku muujineyno xuquuqdeena & Dareenkeena’’ ayuu yiri Sakariye Saajin oo kamid ah hormuudka Dadka abaabulka dibadbaxa wada.

No description available.

Guuleed ayaa hadda ku fadhiyo kursiga HOP#239 oo loo doortay 1dii-November 2021 waxa uu kusoo baxay kursigii ugu horreeyay ee Golaha shacabka Baarlamaanka 11aad ee Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya iyo xubnaha gobollada Waqooyi (Somaliland) waxaana ka dhashay is qabqabsi sababay in natiijadiisa dib loo dhigo 7cishe wallow ugu dambeyn uu u ansixiyay Guddiga Xalinta Khilaafaadka Doorashooyinka Dalka oo sheegay in baaris kaddib ay ku waayeen eedihii loo jeediyay.

Magaalada Muqdisho waxaa horey uga socday abaabulka Banaanbax ka dhan ah Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ay isku daba-ridayaan (Golaha Bulshada Benaadir) balse Odayaasha dhaqanka ayaa codsaday in la joojiyo bannaanbaxaas si Axadda ay isugu yimaadaan shir kale oo looga tashanayo isusoo baxooda.

COMMENTS
Latest News