Yoolnews.com
Hanjabaadii Labaad Muddo Ku Dhow 24 Saacadood Gudahood Oo Maraykanku Ka Soo Saaray Soomaaliya
January 13, 2022 - Written by Yool News

Dowladda Mareykan ayaa mar kale digniin kulul ka soo saartay dib u dhac ku yimaada jadwalka doorashada dalka Soomaaliya.

Qoraal laga soo saaray Wasaarada Arrimaha Dibbada Maraykanka ayaa ka digtay dib u dhac ku yimaada jadwalka doorashada.

“Doorashada Soomaaliya muddo sanad ah ayay dib uga dhaceen xilligeedii,Maraykanku waxa uu diyaar u yahay inuu talaabo ka qaado qaswadayaasha hadii aan la dhaqan gelin jadwalka ay soo saareen Golaha Wadatashiga Qaran.”ayaa lagu yidhi qoraalka ka soo baxay waaxda arrimaha Afrika u qaabilsan dowlada Maraykanka iyadoo digniintana ay tahay tii labaad muddo 24 saacadood gudahood ah.

War ay shalay waaberigii wasaarada arrimaha dibada Maraykanka ka soo saartay doorashada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dowlada Maraykanka ay cunoqabatayn soo rogi doonto hadaan la hirgelin jadwalka doorashada lagu heshiiyay.

COMMENTS
Latest News