Yoolnews.com
“Wasiirrada Saajin iyo Sacad ha is casilaan, Waa Ma Naxaano Aan Lahayn Diir u Damqanaya Dadkooda” Xisbiga WADDANI
January 11, 2022 - Written by Yool News

Xamse Khayre Xoghayaha Ganacsiga Xisbiga WADDANI ayaa wasiiradda Maaliyadda iyo Ganacsiga ugu baaqay inay iska casileen xillalka Qaranka,waxaanu yidhi“ Wasiirrada Saajin iyo Sacad Cali Shire ha is casilaan, Waa Ma naxaano aan lahayn diir u damqanaya dadkooda. Isaga wasiirka Ganacsigu waa baayac mushtar ma istaahilo in xil ummaddeed (puplic office) uu qabto. Sidaas buu waliba madaxwayne Ku xigeen idinka rabaa. Soomaalilaneey waa kaas Saajin.”

Isagoo intaas ku daray “Macaashka ka dhasha khidmaddahaa la kordhiyayna waxay ahayd in miisaaniyadda lagu soo daro oo bal ugu yaraan aynu adeegyadda bulshada gelino. Macaashka ay DpWorld Berbera Samaynayso (waxba ha ka dhagaysanina cidda idin tidhaa lama macaashin) waxaa habeen madow shandado lagu geeyaa madaxtooyadda. Markaa korodhka khidmadaha waxaa ka macaashaya madaxtooyada iyo shirkadda. Waxaa si toos ah loo dhiigmiirtay shacabka xariirta ah reer Somaliland. “
Halkan Hoose Ka Daawo Muuqalka Warka

 

COMMENTS
Latest News