Yoolnews.com
Tirada Mashaariicda Lacagtooda Lagga Shakisan -yahay In La Habaystay & Tuhunadda Ku Xeeran Ciddin Iyo Cayayaankiisa + Shakiga Midowga Yurub + Berbera Oo Noqotay Barmuuddada Doollarka
January 11, 2022 - Written by Yool News
Berbera (Yool) Magaalo Xeebaadka Berbera ayaa sannadihii tegay ee 2020-kii iyo 2021-kii waxa lagga dhagax dhigay mashaariic kale duwan,kuwaas oo uu midowga Yurub ugu deeqay horumarinta Magaalada Berbera,isla markana ay ku baxaysay lacag dhan € 7.5 Milyan oo lacagta EURO-da ah, taas oo kor u dhaafaysay sagaal milyan oo dollar.hase-yeeshee mashaariicdaas ayaan illaa hadda hal mashruuc oo la majiirtaa ka hirgelin, waxaana soo baxaya tuhuno kale duwan oo ku xeeraan,kuwaas oo sheegaya in lacagahaas la habaystay .
Mashaariicdan oo loo yaqaan afka qalaad Berbera Urban Development Project ayaa bishii January sannadkii 2020-kii lagga dhagax-dhigay Magaalada Berbera wejigoodii koobaad,kaas oo ay wadda fullinayeen Maamulka Dawladda Hoose ee Berbera iyo Hay’adda Qaramada Midoobay ee UN Habitat,balse masharaaciidaas sannadkaa 2020-kii la dhaggax dhigay ma jiro wax ka hirgalay ilaa hadda.
Geesta kalena bishii May 15/05/2021-kii ee sannadkii hadda dhammaaday ayaa waxa markale Magaalada Berbera Xaflad ka dhacday lagga dhagax-dhigay wejigii labaad ee mashariicda hurumarinta Magaalada Berbera “Berbera Urban Development Project “kuwaas oo ka koobnaa shan mashruuc,isla markaana laggu sheegay in muddo lix bilood ah laggu soo afmeerayo ,balse aan ilaa hadda hal Mashruuc ka hirgelin ,waxaanay shanta Mashruuc ay kale yihiin sidan :-“1.Aagga Qoyska: Goob carruurtu ku ciyaarto oo ku dhow aagga nasashada ee hadhka leh, waxaa loogu talagalay inay bixiso jawi ammaan ah oo ilmuhu ku ciyaaro si qoysaska ugu raaxaystaan waqtiga firaaqada
2.Goob haweenka u gaar ah: booskani waa goob lugu tala galay haween oo kaliya ah, halkaas oo gabdhaha iyo haweenku ku raaxeysan karaan xeebta oo ay ku arki karaan xorriyad.
3.Ciyaaraha & garoon isboorti iyo jimicsi banaanka loogu talagalay dhalinyarada
4.Garoonku waxu yeelanayaa goob ay dadku ku nastaan isla markaan ka dawaadan ciyaarta,
5.Suuq: xeebta dhinaceeda waxay yeelanaysaa aag shaqooyinka looga faa’iideysan karo, ganacsatada yar yar waxay kireysan karaan goob qiimo jaban, si ay ugu iibiyaan wax soo saarkooda xeebta, aagga hadhka leh oo leh musqulo iyo koronto.
Shanta Mashruuc oo ay fullinayeen dawlada hoose ee berbera iyo Haay’adda UN habitat ayaa waxay sheegeen in ay lix bilood ku soo gunaanadayaan,balse hadda ma jiro hal mashruuc oo ay ka hirgeliyeen mashaariicdaas,waxaana soo baxaya tuhunadda ku xeeran mashaariicdaas, oo sheegaya in la musuq-maasuqay Lacagtoodii.
Xildhibaan Cabdirashiid oo kamid ah Xildhibaannada Golaha Degaanka Berbera oo arrintaas ka hadlay ayaa sheegay in mashruucaas uu ka muuqdo madmadow baddan,isla markaana loo nisbaynayo Maayarka Magaalada Berbera ,waxaanu yidhi “Mashruuca Berbera Urban Development Project waxa la shaaciyey mashruucaa 2020-kii,kharashka looggu tallo-galay in laggu horumariyo Magaalada Berbera iyo Bulshada Berbera waxa uu ahaa € 7.5 Milyan Euro oo u dhigta sagaal milyan oo dollar,waxa ku gedaaman madmadow baddan oo dul hogganaya maamulka Dawladda hoose gaar ahaana Maayarka .”
Isagoo intaas ku sii darray Xildhibaan Cabdirashiid “Mashruucaas Lacagta intaa leeg ee looggu tallogalay in Bulshada Berbera iyo Magaalada lagu horumariyo reer Berbera ilaa hadda waxay ogyihiin in aan wax la dhaqaajiyey aanay jirin,mashruucaas waxa ku dhacday maamul xumo baahsan iyo wax is daba marrin xagga maamulka Dawladda Hoose ,waxa lagga sugayaa in ay ka jawaabaan madmadowgaa ku gedaaman mashruucaas..”ayuu yidhi Xildhibaanku

COMMENTS
Latest News