Yoolnews.com
“Siyaad Barre Iyo Mareexaankii La Ugaadhsaday Illaahay Inaggama Dhiggee Muusow Ka Joog ..”Beesha Subeer Awal
January 11, 2022 - Written by Yool News

Siyaasiyiinta wax-garadka madax-dhaqameedka Beesha Subeer Awal ee uu ka soo jeedo Madaxweyne Biixi ayaa ugu baaqay Madaxweyne Biixi inuu joojiyo fawdada uu dalka ka waddo wakhtigan,waxaanay caddeeyeen in aanay khaladka ku raacayn marnaba,isla markaana ay isku dayayaan inay ka qabtaan wixii khalad ah.

Xubnahan oo War-baahinta kula hadlay Magaalada Burco ayaa waxa kamid ahaa haddaladoodii kuwan :-“Labada inan ee midi yahay ina Xaaji Cali,mid-na ina Biixi Cabdi ee ilma adeerka ah ayey talladii Qaranka iyo masayrku uu maanta dhex-yaallaa,waxaan idinku waaninayaa wixii aad fashaan waa wax idinku gaar ah qabiil idinkulama socdo ciddi idin kulam socoto .”

Mujaahid Xamarji oo isna halkaas ka hadlay ayaa yidhi”waxaan soo xusuusinayaa in Biixi Cabdi wixii 1992 wax ay ka dhaceen intan wey ka yarayd oo aad ayey uga yarayd,waxaan ku leeyahay fadlan dalka fidmadan iyo xasaradan iyo buuqan aad gellinaysaa waa wixii aad ku soo caano maashay,waxaasi maanta wax shaqaynaya maaha ee ka joogso.”

Waxaanay intaas ku sii darreen odayaashu “Waxaan kugu baaqaynaa Madaxweyne in aad dastuurka dalka ku soo noqoto ,doorashada maanta la sugayaa waa ta Madaxweynaha,doorashada ururradu wey dambaysaa, arrinta qalalaasaha aad dalka gelisayna ka noqo ayaanu ku leenahay annagoo ah Beesha Awal Barri ,waxaanu ugu baaqaynaa in khilaafkan siyaasiga ah ee aad dadlka gelisay aad ka laabato oo aad u tudho dalka iyo dadkaba .”ayey yidhaah-deen

Dhanka kalena waxay sheegeen in aan illaahay ka dhiggin Muuse Biixi Siyaad Barre,halka ay iyaguna ka ducaysteen in aanay noqon Beeshii Mareexaan ee la ugaadhsaday cahdigii uu dhacay taliskii siyaad Barre “Waxaan leehay Muusow inadeer,waxaan kuu soconayn wax-ba haku rafan, Annagana Mareexeen illaahay nagama dhigo adna illaahay siyaad Barre kaama dhiggee ,Habar Awal-na Mareexaan sidiisi ummaddu ma ugaadhsatee, muusow sharciga ku soo noqo ,xaqa illahay ha ku garran-siiyo ee dalka doorasho u qabo.”

Siyaasi Maxamed Faarax Qabile oo ayaa isna halkaas ka hadlay ayaa yidhi “Iyadoo kiiskii Maxkamadda yaal ayuu Madaxweynihii xukunkii riday oo uu go’aan soo saaray, Waxaan leeyahay Madaxweyne waxaad ku jirtaa waa khiyaamo Qaran tii ugu cuslayd.”

Suldaanka Beesha Awal Barri ayaa isna farriimo waano iyo wacdi ah u diray Madaxweyne Biixi ,waxaanu yidhi “Annigoo ah Suldaankii Beesha Awal Barri waxaan u sheegayaa Madaxweyne Muuse waxa aanu leenahay hore ayaanu qalad kugu raacnay qalad dambe kugu raaci mayno dadkani wey ku khaldeen kugula taliyey in dalka aad fawdo ka rido kugu raacimayno annagu khaladka ,Ummaddani wey daashay ma qaadi karto dhib kale ee kadaa ayaanu ku leenahay Muusow hadda ayeynu sharraf leenahay ee doorasho qabo,muusow waanu kuu digaynaaye khalad dambe ha gellin reerka oo Qaranka iyo ummadda u tudh,Dalka sharciyadiisa waa in aad illaalisaa in aad fawdo iyo ummada iska horkeento kaagama baahna dalku,waxaanu ku leenahay ku soo laabo sharciga doorashadii ayaa lagga sugayaa in aad dalka u qabato,haddii uu nasiibkaagu ku siiyo waa laggu hambalyey, lakiin dalku doorasho ayuu kaagga fadhiyaa in aad qabato “ayuu yidh.

COMMENTS
Latest News