Yoolnews.com
Nuxurka Khudbadaha Jiifka Iyo Joogga U Diiday Xukuumadda Madaxweyne Biixi Oo Uu Musharrax Cirro Ka Jeediyey Burco Iyo Xaraaradda Siyaasadda Oo Weji Kale Yeelatay
January 11, 2022 - Written by Yool News

Sinnaba U Aqbalimaayo Sharci Darro Kasta Oo Uu Muuse Waddo Haddii Ay Qiimo kasta Igu Tegaysana Ma Yeellayo .”Musharrax Cirro

Burco (Yool) Musharraxa Madaxweyne ee Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro oo Magaalada Burco ku sugnaa maalmihii u dambeeyey,isla markaana kullamo kale gedisan la yeeshay qaybaha kale duwan ee Bulshada ku dhaqan Magaalada Burco,ayaa luuqad addag kula hadlay Madaxweynaha uu muddo xilleedkiisii sii dhammaanayo ee Muuse Biixi,kaas oo uu ugu baaqay in uu sharciga dalka ku soo noqdo,isla markaana doorashooyinku sida ay u kale horeeyaan uu u qabto.

Musharraxa Cabdiraxmaan Cirro ayaa Nuxurka ay xabaarsanayeenToddoba Khudbadood oo uu shalay iyo maalmihii ka horreeyey ka jeediyey Magaalada Burco,waxay ahayeen qaar isku macna dhow, isla markaana ka duwan kuwii hore loogga bartay,waxaanay dhammaantood ay ahayeen qaar miisaan culus oo farriimo mihiim ah xambaarsan,kuwaas oo kiciyey qalbiyadda shucuubta reer Somaliland oo u iftiimiyey sida uu Muuse sharciga dalka uga tallaabsanayo wakhtigan iyo qorshayaashiisa guracan ee uu ku hawlan yahay.

Musharrax Cirro ayaa inta baddan khudbadihiisu ku soo qaatay arrinta doorashada Madaxtooyadda,waxaanu sheegay in doorashada Madaxtooyaddu haddii ay wakhtigeeda ku qabsoomi weydo in aanay Madaxweyne Muuse Biixi u aqoonsanayn inuu yahay Madaxweyne,waxaanu ku hanjabay in Madaxweynayaal baddani ay iman doonnaan haddii 13 November 2022-ka doorashada Madaxtooyadda ay qabsoomi weydo”Doorashada Madaxtooyadu in ay saacad dib u dhacdo ma oggolin, waa in aan u diyaar garownnaa in ay wakhtigeeda ku dhacdo,Muuse waxaan leeyahay haddii sharciga la laabo oo sidaa lagu socdo ma kaftamayo ee madaxweyneyaashu way badan doonan.”Musharrax Cabdiraxmaan Cirro

Waxa uu sheegay in uu madaxweynaha ugu baaqayo is badal ku yimaada sharciyad, sidaa darteedna loo baahanyahay in uu madaxweynuhu sharciga ku shaqeeyo”Waxaanu doonaynaa isbadal ku yimaada sharciyad, Muuse waxaanu leenahay sharciga ku dhaqan oo waddanka sharciga kusoo dabaal ”

Sidoo kalena waxa uu sheegay in Madaxweynuhu doorasho ku yimiday isla markaana qaybo badan oo shacbiga Somaliland kamid ahi doorteen, imikana loo baahanyahay in uu turxaan la’aan xilka kaga tago ama uu tartamo.”Muuse xabad inagumuu qabsan, waad doorateen dhamaan deegaankiinu, in badan oo shacabka Somaliland ka mid ahina way dooratay,isagana waxan leeyahay wakhtigaagu wuu dhammaanayaaye turxaan la’aan dalka kaga tag… ama tartan” ayuu yidhi Cirro.

Musharrax Cabdiraxmaan Cirro oo la hadlayay dadweynaha reer Burco ayaa waxa kale oo uu sheegay ” Xukuumadda madaxweyne Muuse waxay u muuqataa inay ku fashilantay hoggaamintii Somaliland , si ay fashilkeeda u qariso oo dadka uga indho saabto waxay bilawday qala-laase siyaasadeed iyo dastuuriya ujeedada kaliya ee Muuse Biixi ka leeyahay waa Muddo kordhin, waxaanu leenahay doorashada madaxweynaha ee 13 November maalin lagu dari maayo, muddo kordhin ma ogolin mana aqbalayno…”

Geesta kalene Musharrax Cirro ayaa sheegay inaanu marnaba aqbalayn wax sharci darro “Sinnaba U Aqbalimaayo Sharci Darro Kasta Oo Uu Muuse Waddo Haddii Ay Qiimo kasta Igu Tagayso,Muuse waxaan leeyahay haddii sharciga la laabo oo sidaa lagu socdo ma kaftamayo ee madaxweyneyaashu way badan doonaan cid-na cid kama xoog weyna ,Madaxweynuhu arrintaa wuu ka xanaaqay..”Musharrax Cabdiraxmaan Cirro

Dhanka kalena Musharrax Cirro ayaa khudbadihiisa ku sheegay in aannay marnaba yeellayn in doorashada Madaxtooyadda uu dib u dhiggo Biixi ta ururrada uu soo qadimo “kama yeellayno Muuse in doorashadiisa Madaxtooyadda uu dib u dhigo oo uu soo qadimo taayadda,waxaan leeyahay doorashooyinku sida ay u soo kale horreeyaan u qabo Muusow ..”ayuu yidhi Cirro

Si kastaba ha-ahaatee khudabada Musharrax Cirro uu ka jeediyey Magaalada Burco maalmihii ina soo dhaafay oo toddoba khudbadood ahaa ayaa ah qaar jiif iyo joogba u diiday Madaxweyne Biixi iyo Xukuumaddiisa,kuwaas oo soo jiitay quluubta shacabka Somaliland,isla markaana haddal hayn baddan abuuray,waxaanu sheegay in dhib kasta oo dalka soo waajahda uu masuuliyadeeda qaadi doonno Madaxweynaha Doorasho diidka ah ee Muuse Biixi Cabdi.

COMMENTS
Latest News