Yoolnews.com
“Furista Ururrada Maxaa Dan Gaar Ah Ee Ugu Jirta Shakhsi Ahaan Iyo Xisbi Ahaanba Madaxwaynaha? Cali Guray
December 29, 2021 - Written by Yool News

HADII AANAY ILA MEERAYSO AHAYN MOOYI

Ka soo qaad in, sida loo badinayo, Madaxwayne Muse laftiisu wado, in labada doorasho ee Madaxtooyada iyo doorashada xisbiyada/ uruada uu doonayo in ta dambe ay soo horayso xeer Lam 14 kan degta lagu sidsidana la waafajiyo hadii tirada badan ee xildhibaanada uu taageero uga helo. Markaa Ururada ayaaba la furi karaa January/ February 2022 doorashaduna waxay qabsoomi lix bilood ka dib oo ah June ama July. Hadaba marka hore waxa mudan bal in la iswaydiiyo maxaa dan gaar ah ee ugu jirta shakhsi ahaan iyo xisbi ahaanba Madaxwaynaha? Hadii sadexdan xisbi mid uu saaxadda ka baxo kaba dhig mucaaridka oo weliba u dhaw Ucid ee muxuu faaiidayaa isaga iyo xisbigiisu saw xisbi kaleba soo bedelimaayo oo mar kasta laba musharax la tartami maayo? Marka Kulmiye uu Maxamed Kaahin ku wareejiyo Xirsina yahay gudoomiyaha WADDANI, Maxamuud Xaashi isaguna urur uu gudoomiye ka yahay furto Kulmiye laftiisu hadii aanu saaxaddaba ka bixin waa hadii uu dirqi ku badbaado.

Sida Muuse Biixi loogu sheekeeyay ma qabo anigu in kooxdii ka cadhootay Cabdiraxmaan Cirro ay cad wayn kala go’i karaan WADDANI xataa hadii ay urur kale furtaan, taageerayaashii ucid laftooda ayaan cid ka badsan karta urur iyo xisbi jiraynin aniga malahayga. Ururada buuxiya shuruudaha ee tartanka ka qaybgeli doona waxa lagu qiyaasi karaa 5 ilaa 7 urur. Markaa tartanku wuxu dhex mari doonaa 8 ilaa 10 xisbiyo iyo ururaba. WADDANI lixda gobol-doorasho waxa hubaal ah in kaalinta koobaad ama kaalinta labaad ku soo bixi doono marka la isku celceliyona xisbiga kaalinta koobaad ku soo baxa uu noqon doono, halka Kulmiye uu kaalinta labaad ku soo bixi karo. Ururka ku soo dhex bixi kara ururada ee kaalintii ucid bedeli karaa sida aan jecelahay laga yaabaa in uu noqdo xisbi  guddoomiyihiisu aanu ka soo jeedin beesha dhexe ee beelaha kale ka soo jeedo

Sidaa daraadeed hadii danta uu Muuse ka leeyahay soo hormarinta ururadu ay tahay in Cirro iyo Faysal uu mar ka wada saaro saaxadda tartanka oo laba musharax oo cusub la tartamo Allayleh waxan odhan karaa laf buu toobin ku hayaaye bal horta Xeer Lam 14 aan aragno in uu waafajiyo hadii uu karayo.

Sida aan anigu filayo hadii Cabdiraxmaan Cirro aanu ahayn musharaxa ku guulaysan doona doorashada 13 November fili maayo in mar labaad Muuse dib loo dooran doono mana arko shakhsi cusub oo kale oo hadda aniga ii muuqda.

Si kastaba xaalku ha ahaado eh Madaxwayne Muuse waxa looga fadhiyo ee ugu muhiimsani waa in doorashada isaga tooska u khusaysa ee Madaxtooyadu ay wakhtigeeda ku qabsoonto 13 November 2022. Hadii taa laga helo wixii kaleba waa laga heshiin karaa doorashooyinkana waxaynu ku geli  jawi deganaansho iyo xasilooni siyaasadeed ah. Hadii kale waxeeni xilka lahaa iyo wax ka Sii daran ka eeg

Waxa cajiib ah Madaxwayne Muuse danta keliya uu ka leeyahay furista ururadu ma Faysal karkaarka waydaari uun baa?

W/Q Cali Guray

COMMENTS
Latest News