Yoolnews.com
Aragtidii Abiy Ahmed Ee Ciidamaynta Geeska Africa Ee Dawladaha Shisheeye Ma Wax Baa Iska Badelay ?
December 10, 2021 - Written by Yool News
Raisal wasaaraha dalka Ethiopia ayaa aaminsanaa in gobolka Geeska Africa oo ay ku yaalaan ilaa toddoba saldhig military oo ay leeyihiin dawladaha shisheeye in ay khatar ku yihiin gobolka.
Waxa uu hore u cambaareeyey saldhigyada dawladaha shisheeye ee ku soo badanaya gobolka , waxaana hadalkiisii ka mid ahaa ma doonayno in gobolkani noqdo garoon dagaal ( Battle field ) lagu dagaalamo oo ay ka jiraan saldhigyo ciidamo shisheeye.
Xiligaasi oo uu dardar iyo niyadsamidii aragtidii isku-furanka Geeska Africa ee uu waday uu ku jiray ayaa waxa uu baaq dheer ku yidhi dadkayagu waxa ay u baahan yihiin nolol , nabadgalyo iyo xasilooni maadaama uu gobolkani la ildaran yahay barakac , macaluul ,dagaalo sokeeye , dagaalo argagixiso iyo afkaaro siyaasadeed oo gaboobay oo wata qoqob.
Waxa aad loo hadal hayaa in dagaalkii uu hadda kula jiray ciidamadii huwanta ahaa ee jabhada oromada iyo xooga difaaca Tigray in looga soo gurmaday saldhigyada military ee ku yaalla Gobolka Geeska Africa qaar ka mid ah , sidoo kale lagu caawiyey diyaaradaha dagaalka , kuwa wax basaasa iyo hub casri ah oo uu ka helay dawladaha khaleejka , Turkey iyo Iran walow aan lahayn war rasmi ah.
Waxa aragtidan sii xoojisay markii saldhigga ciidamada ee uu ku leeyahay dalka Turkey Somalia uu dalbaday diyaaradaha is wada oo la sheegay in lagu caawiyey ciidamada Turkeygu u tababaray jamhuuriyada federaalka soomaaliya , arimahani ayaa ah qaar aad u xasaasi ah xili gobolkani ay soo waajaheen xaalado dagaalo iyo colaadeed oo uu weheliyo dagaalkii lagula jiray argagixisadu.
Mohamed Abdi Jama

COMMENTS
Latest News