Yoolnews.com
“Madaxweynaheenu Fulay maaha, doorashana kama baqo !”Danjire Kaysar Maxamed
December 9, 2021 - Written by Yool News

 

 

Asalaamu Calaykum
Markii uu Madaxweynahu golaha Baarlamaanka dib ugu soo celiyay Xeerka Furasha Urrurrada waxa uu ku soo celiyay wakhtigii sharcigu u jideeyay, waxaanuu cuskaday qodobo muhiim ah oo aan suurto gal ka dhigayn in ururrada la furo maadaama doorashada Madaxtooya oo Dastuuri ahi ay ka soo horreyso xiliga uu Liisanka Xisbinimo ka dhacayo Xisbiyada imika jira.
Hadaba kuwa khaladka fahamsan ee u malaynaya in Ururrada oo la furaa ay leexin karto ama dib u dhigi karto xiliga qabashada doorashada Madaxtooyada, waxaa muhiim ah inay fahmaan in Liisanka Xisbiyadu uu dhacayo doorashada Madaxtooyada ka dib. Sidaas darteed Saddexda Xisbi ee imika jiraa ay yihiin kuwa ku tartamaya doorashada Madaxtooyada ee inagu soo socota.
Madaxweynaha Qaranku isaga oo taas fahamsan ayuu u joojiyay inuu ku dhawaaqo furista ururrada isaga oo awood u lahaa inuu saxeexo maadaama Golayaashii hore ay ansixiyeen, waxaana Madaxweynuhu uu garawsaday inaanay macquul ahayn in imika ururrada la furo, balse la furi doono doorashada Madaxtooyada ka dib.
Madaxweyne Muuse Biixi waa Geesi naftiisa usoo huray Dalkiisa, iimana muuqato sabab uu uga meeraysto inuu doorasho la galo laba xisbi oo uu hore uga guulaystay. Waxaanan aaminsanahay haddii ay Xakuumadiisu si fiican u shaqeyso mudada u hadhay inuu mar kale guulaysan karo.
Hadaba Madaxweynaha waxaan usoo jeedinayaa inaanuu dheg u dhigin kuwa shakiga gelinaya ee ku duduucaya inuu wakhtiga kordhsado ama uu Urrurrada furo, taasi oo aan dani ugu jirin Qaranka
Xaalada uu ku jiro Gobolka Geeska Afrika iyo duruufaha adag ee dhaqaale ee inagu gedaamani inoo saamixi mayso in buuq siyaasadeed uu ka furmo Dalkeena, sidaas daraadeed waxaa loo baahan yahay inaynu dhamaanteen xoogga saarno sidii doorashada Madaxtooyada wakhtigeeda loogu qaban lahaa.
Waxaa muhiim ah in maanka lagu hayo inaanay jirin duruuf keenaysa muddo kordhin maadaama 80% ay dadweynuhu diiwaan gashan yihiin, dhaqaalihii doorashada lagu qaban lahaana aynu hayno, gudiga Doorashooyinka Qarankuna ay caddeeyeen inay diyaar u yihiin inay doorashada Madaxtooyada xiligeeda ku qabtaan.
Ugu danbayn dadweynaha reer Somaliland ha ogaadaan inaan Madaxweyne Muuse Biixi Doorashooyinka ka baqanin, magacna uu ku helay qabashadii doorashooyinkii isku sidkanaa ee Baarlamanka iyo Dawladaha Hoose, imikana magac ka weyn uu ka sii heli doono haddii uu doorashada Madaxtooyada wakhtigeeda ku qabto.
Sidaas daraadeed Xukuumad iyo Xisbiyaba waxaa ku waajib ah inay isu diyaariyaan doorashada Madaxtooyada ee inagu soo aadan sanadka dambe 2022.
Qofkii Xisbi doonaya inuu furtana ha sugo xiliga uu Liisanku ka dhaco Xisbiyada imika jira oo ku beeggan doorashada Madaxtooyada ka dib.
Somaliland ha Guulaysto

COMMENTS
Latest News