Yoolnews.com
Hadalka Godane ee iga soo yeedhay kaftan beeleed buu ahaa” Boqor Buurmadow
November 30, 2021 - Written by Yool News
Boqor Cismaan Aw-Maxamuud Maxamed (Buurmadow) ayaa raali gelin ka bixiyay hadal uu hore u sheegay oo ku tilmaamay in uu ahaa mid kaftan ah oo la siyaasadeeyay.
Hadalkan dadka reer Muqdisho qaarkood cadho ka muujiyeen ee hore uga soo yeedhay Buur madow, ayaa nuxurkiisu ahaa, isaga oo ka hadlayey Baydhabo “Mararka qaarbey igu yiraahdaan Soomaalida kale war qolladiinaan Dir miyaadnan han lahayn oo Madaxweyne iyo Ra’iisul Wasaare doonan karin waxaan iraahdaa war laba dowladoodbaa meesha ka dhisane dowladda Shabaabka Dirbaa madax ka ah oo waliba laguma tartamo iyo sidoo kale in uu ka tacsiyeeyay geerida hoggaamiyihii hore ee Shabaab Axmed Godane”
Boqor Buur madow oo fasirayey hadalkiisa iyo ujeeddii uu ka lahaa iyo cadhada ka dhalatay, ayaa waxa uu yidhi “Waxaan joogay oo aan ka hadlayay qado beeleed, waanu kaftameynayay waan hadleynay, kaftan beeleed buu ahaa
Aniga hore ayaan u caddeeyay cid kasta oo dhiig daadisa ama dhaqan haku daadiso ama siyaasad haku daadiso ama diin haku daadise in aan marnaba anigu taageersaneyn”
Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buur madow, waxa uu sheegay in aanay jirin wax xidhiidh ah oo uu la leeyahay Al-shabaab. “Shabaab waxa naga dhexeeya iyo fikir naga dhexeeya taasna shacabka wuu ogyahay, waana la iigu yaqaanaa, mana jirto” Ayuu yidhi Buur madow
.

COMMENTS
Latest News