Yoolnews.com
Xoghayaha WADDANI oo ku Faanay inuu ku Hodmay Xilka Xisbiga intii uu Hayey
October 20, 2021 - Written by Yool News
  1. Hargeysa(Yoolnews.com)-Xoghayaha Guud ee Xisbiga mucaaridka ee WADDANI, ayaa ku faanay inuu ku hodmay dhaqaale ahaan intii uu xilka hayey, halka maalintii xilka loo magacaabayna Kun iyo shan-boqol oo lacagta Ingiriiska ah uu faraqa ku hayey.
    Hadalkan Xoghayah Guud ee Xisbiga WADDANI Khadar Xuseen, ayaa xogtiisu waxa ay kasoo baxday kulan uu la qaatay xubno saaxiibadiis ah oo ay is-xaal ogaayeen kolkii hore, waxaana wararku intaa ku dareen in Xoghaye Khadar sheegay inuu hada leeyahay hanti ma-guurto ah oo ka kooban guri ku fadhiyaa dhul cabirkiisu aad u weyn yahay oo ku yaal Xaafadda Masalaha ee Koonfurta Magaalada Hargeysa, iyo sidoo kale dhul banaan oo halkaa aan ka fogeyn, kaasoo sida Xoghayuhu xusay uu ugu talo-galay inuu ka dhisi doono goob uu dadka kula shiro.
    Dhanka kale, Xoghayuhu mar uu sharaxayey qaabkii dhaqaalaha uu ku helo, waxa uu xusay inuu dhaqaalahani kasoo galo ganacsatada waa-weyn, kuwaasoo mararka qaarkood ugu tagaan qaab shaxaad oo kale ah, waxaanu tusaale kooban usoo qaatay kulan uu la yeeshay mid ka mid ah shirkadaha waa weyn ee Somaliland, taasoo kolkii uu la kulmeen ugu deeqday lacag dhan Konton Kun oo dollarka Maraykanka ah, kadib markii uu la wadaagay dhaqaale xumo soo foodsaartay Xisbiga.
    Ugu danbayntii Xoghaye Khadar waxa uu saaxiibadiis uu la wadaagay qiso ku saabsan maalintii xilka loo dhiibay iyo dhaqaalihii gacantiisa ku jirey, isagoo arintaa faahfaahinaya waxa uu tibaaxay maalintaa inuu jeebkiisa ku ogaa Kun iyo shan-boqol oo lacagta Ingriiska ah.
  2. Xigasho Xogreeb.com

COMMENTS
Latest News