Yoolnews.com
Madaxweyne Biixi Oo Amray In Xabsiga Dhexe Loo Dhaadhiciyo Ganacsadihii Beeshiisa Ahaa Ee Ka Cawday Maqaaxida JUMEERA Ee Cawayska Iyo Cashada Lagu Qaato
October 14, 2021 - Written by Yool News

 

Madaxweyne Biixi ayaa sida la sheegay waxa uu amar ku bixiyay in Xabsiga dhexe loo dhaadhiciyo Ganacsidihii kasoo jeeday Beeshiisa ee ay ka dacwootay Haweenayda iska leh huteelka Jumeerra ee kuyaala Xaafadda Jig jigga yar ee Magaalada Hargeysa.

Sida warkani nagu soo gaadhay, Waxa uu ganacsadaasi ku xidhnaa Saldhiga Ibraahim Koodbuur ee Xaafadda jig jigga yar ee Magaaladda Hargeysa waxaanna sida lanoo xaqiijiyay amar kasoo baxay Madaxweynaha, si toos ah loogu dhaadhiciyay Xabsiga Dhexe ee Magaaladda Hargeysa oo ay lagu yaqaano uun in lagu xidho Maxaabiiista ay maxkamadduhu soo Xukumaan.

Ganacsadahan ayaa markii hore Warbaahinta ka hadlay islamarkaana isagoo ay bar bar taagan yihiin odayaal iyo waxgarad ay jaar yihiin waxa uu cabasho ka muujiyay Huteelkan Jumeera ee Xaafadda Jig jigga yar ee Hargeysa kuyaala, waxaana uu sheegay in Huteelkaasi fawaaxish lagu sameeyo islamarkaana wakhtiga habeenkii dhalinyaro gaar ahi iskugu timaado, sidaana ay xaafaddaasi khaati kaga taagan tahay.

Haweenayda iska leh Huteelkan ayaa iyaduna Warbaahinta kaga jawaabtay iyadoo sheegtay in Haybta ay tahay loo beegsanayo islamarkaana uu ganacsadahan laftiisu uu ugu hanjabay inuu Xaafadda ka rarayo, waxaanay taasi keentay in Warkii uu gaadhay Madaxweynaha islamarkaana uu Madaxweynuhu si toos ah u soo faro galiyay arintii. Wararka Foore helay ayaa sheegay in Madaxweyne Biixi faray hay’addaha ay khusayso arintu inay shaqadooda ka qabsadaan oo ay waliba xabsiga dhigaan Ganacsadahan oo ay isku sii hayb hoose yihiin.

Arinta cajiibka ah ayaa ah in Madaxweyne Biixi amar kale ku bixiyay in si toos ah Xabsiga Xukunsanayaasha loogu dhaadhiciyo Ganacsadahan, taasi oo keentay isweydiin badan oo ku saabsan talaabadan dambe.

COMMENTS
Latest News