Yoolnews.com
“Hadaba Iyadoo Ay Doorasho Inagu Soo Fool Leedahay Wareejinta Xisbiga Xiligan Way Caddahay Inay Qayb Ka Tahay Kaambaynka…” Cali Guray
October 14, 2021 - Written by Yool News

MADAXWAYNE MUUSE IYO WAREEJINTA XILKA GUDOOMIYAHA XISBIGA KULMIYE
Muj Maxamed Kaahin hadii uu isagu diyaar u yahay in lagu wareejiyo xilka Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye horta marka laga eegayo xilka uu xisbiga ka hayo ee Gudoomiye Xigeenka koobaad isaga ayaa jaranjarta labaad ee ugu saraysa hogaanka xisbiga ah dabcan taa wuu ku leeyahay oo cid kaga xaq lihi ma jirto. Ta kale waa xidhiidhka isaga iyo Muuse muddo ka badan 35 sanadood oo Maxamed gar iyo gardaroba uu Muuse taageeradiisa la barbar joogay isaga oo aan isagu damac gaar ah lahayn ee Muuse uun wax la doonayay. Maanta hadii Muuse muraadkii uu lahaa gaadhay Maxamedna markii ugu horaysay wax doonay weliba isagu ka ugu mudan ee ugu xaq leh yahay, Muuse wuu ku qasban yahay in markii ugu horaysay uu wax la doono Maxamed oo isaguba weligii wax la dooni jiray Isaga.

Hadaba iyadoo ay doorasho inagu soo fool leedahay wareejinta xisbiga xiligan way caddahay in ay qayb ka tahay kaambaynka iyada oo la og yahay xaaladda Kulmiye iyo heerka hoos u dhaca oo runtii la odhan karo wuxu joogaa heerkii ugu hooseeyay abid intii uu jiray marka la og yahay dildilaaca jira ee ka ku soo fool leh. Hadaba wareejinta xisbigu Madaxwayne Muuse faaiido ma u noqon kartaa oo kalsoonidii taageerayaasha xisbiga ma soo celin kartaa mise waabay uga dari kartaa oo waxay ku noqon midh kiniin ah oo dawo ahaan uu u liqay balse ku noqday dhunkaal?

Muuse Biixi oo haatan afar sanadood xilka hayay lagama yaabo in taageeradii jeegaantu ay marna noqon doonto sidii doorashadii 13kii November 2017kii sababo badan oo is-huwan awgood. Taasina dabcan waxay fursad u tahay Xisbiga WADDANI iyo musharixiisa xilka Madaxwaynaha Mudane Cabdiraxmaan Cirro weliba hadii si aan surmo-seegto iyo midiroor u maarayn karaan taladooda guud ahaan xisbiga iyo gaar ahaan istraatajiyada kambaynka doorashada kal dambe hadii Allah yidhaa. Sidaa daraadeed waxa suurogal ah in wax badani ay iska bedeli doonaan xaaladda inta ka horaysa dhamaadka sanadkan

Caligurey

Hargeysa

COMMENTS
Latest News