Yoolnews.com
Loolankii Ugu Adkaa Ee Doorashada Madaxweynaha Somaliland Ee 2022 Oo Bilaamay
October 13, 2021 - Written by Yool News

 

Waxa la galay xili uu bilaabmay ololeyaal iyo is xulafaysiyo siyaasadeed iyo doorasho oo xiligoodii ka soo horumaray oo ay sababtay mucaaridka oo xisbigii talada hayey kaga guuleystay maayeradii dalka intoodii badnayd , aqlabiyadii golaha wakiilada iyo shirgudoonkii golaha wakiilada.

Waxaa la kala jiidanayaa siyaasiyiinta dibad jooga ka ah axsaabta iyo kuwa xisbiyada ku jira ee saameynta shaqsiga ah iyo ta deegaanba ku leh siyaasada Somaliland, waxa sidoo kale soo baxay damaca hogaaminta mustaqbalka ee siyaasiyiin door ah oo midwaliba xisbigiisa rabo in uu ka soo dhex muuqdo.

Xaaladahani waxa ay ku soo beegmeen xili uu madaxwaynaha Somaliland ku soo celiyey Golaha wakiilada jamhuuriyada Somaliland Xeer lr-14 oo ahaa xeerkii ururada iyo axsaabta siyaasada oo fursad iyo fakaag u ahaa siyaasiyiin badan oo aan ku qanacsanayn sadexdan xisbi qaran , sidoo kale ahaa xaq dastuurka iyo xeerarka ka farcamaa siiyeen muwaadiniinta 10 kii sanadood ba mar.

Arinkaasi waxa uu abuuray in lagu qasbanaado in sadexda xisbi ee hadda jooga qofwaliba ka uu door moodo , u arko dan ama damiciisu ugu dhex muuqdo in uu xagiisa u kaco , dhacdooyinkani ayaa abuuray shirar siyaasadeed, qaar beeleed oo dalka Somaliland gobol walba ka socda iyaga oo aayo ka tashi siyaasadeed uu saldhigoodu yahay.

Hadii aynu u soo noqono siyaasada Somaliland waxa uu Salkeedu yahay qabiilka oo halkii deegaan doorashada ku jira , sidaasi oo ay tahay ayaa siyaasiyiintu kala jiidanayaan beelahooga , sidoo kale la unkayaa xulafooyin siyaasadeed ama qaar hore oo jiray boodhka dib looga tumayaa.

Ilaa hadda damaca ugu badan iyo cida axsaabta siyaasada jamhuuriyada Somaliland ku foogan tahay isla markaana siyaasiyiintooda baarqabka ahi fagaarayaasha u soo baxeen waa beesha degta bariga gobolka togdheer, bariga saaxil , Galbeedka sool , Galbeedka iyo waqooyiga sanaag oo ah beesha uu ka soo jeeday madaxweynihii hore ee Somaliland Siilaanyo.

Beeshani waa beel saameyn ku leh siyaasada marka ay wax u doonayaan siyaasigooda iyo marka ay wax la doonayaan mid ay xulafo yihiin , waana beesha sadexaad ee ugu codka badan beelaha Somaliland sidaasi darteed ayuu dulsudhan yahay calanka guusha kursiga madaxweynaha ee 2022 oo uu xisbi waliba doonayaa in uu taageeradooda hello.

Xisbiga Kulmiye oo xalay shir Hargeisa ku qabsaday ayuu shirkaasi u muuqday mid ay dib boodhka uga jafayaan jeegaantii siyaasadeed oo baryahaa saaxada siyaasada laga suuliyey , waxaana badheedhehiisa ka dhiibtay sida ku jirta warbaahinta iyo baraha bulshada wasiirka arimaha gudaha Somaliland oo ah gudomiye ku xigeenka koowaad ee Kulmiye oo yidhi waa markaygii.

Xisbiga ugu awooda badan mucaaridka ayaa isaguna sheegay in uu shirweynihiisii dib u dhigey isaga oo ku sababeeyey in ay ku soo biirayaan siyaasiyiin miisaan leh iyo taageerayashoodii , waxaana muuqata in axsaabta siyaasadu is jara-raacayaan oo la is eeganayo, sidoo kale xilalka iyo xooga kaambaynka qolo waliba rabto in ay ku bixiso marka ay arkaan shaxda kuwa kale.

Ilaa hadda waxa loolamaya siyaasiyiinta deegaanadaasi aynu kor ku soo xusnay ka soo jeeda oo jaangoynta guusha kursiga madaxweynaha jamhuuriyada Somaliland ee 2022 ku xidhan tahay oo ay ugu waaweyn yihiin ;

1- Muj Maxamed Kaahin Axmed

2- Siyasi Maxamuud Xaashi Cabdi
3- Wasiir Xasan Maxamed Gaafaadhi
4- Hogaamiye Xirsi Cali Xaaji Xasan

 

Siyaasiyiintani waxa ay isugu jiraan qaar dibad joog ka ah axsaabta siyaasada, iyo qaar ku kala jira xisbiyada waaweyn ee Kulmiye iyo Waddani oo midwaliba taageerayaashiisa ku dhex haysto .

Waxa kale oo ay xaaladu ku adag tahay murashaxiinta madaxweynaha jamhuuriyada Somaliland ee xisbiyada Kulmiye iyo Waddani oo halka ay nin ka qaataan nin kale kaga tagi doona , taasi oo laga yaabo in ay xisbigiisa iyo hiigsigiisaba dhaawacdo.

Mohamed Abdi Jama
Mohamed Dhimbiil

COMMENTS
Latest News