Yoolnews.com
Dadka kasoo jeeda koonfur Galbeed ee ku sugan Ceerigaabo oo Somaliland ka codsaday in si nabad ah loo tarxiilo
October 13, 2021 - Written by Yool News

Dadka ku dhaqan magaalada Ceerigaabo ee kasoo jeeda gobolada koonfur galbeed ee Soomaaliya ayaa bilaabay in ay albaabada u laaban goobahooda ganacsiga, iyagoo isku diyaarinaya amar lagusoo rogay oo ah in ka baxaan Somaliland.

Dadka xarumaha ganacsi ku lahaa Ceerigaabo, ayaa Somaliland ugu baaqay in aan loola dhaqmin sidii loola dhaqmay dadkii laga barakaciyay magaalada Laascaanood labo todobaad ka hor.

Waxay codsadeen in si nabad galyo ah loo samata bixiyo isla- markaana loo turo dadka jilcisan ee aan awooddin safarka dheer ee ay kaga tagayaan Ceerigaabo, kuna tagayaan deegaannadooda.

Ganacsatadu waxay ka codsadeen guddiga madaxweynaha koonfur galbeed u magacaabay la socoshada dadka lagasoo barakacinayo Somaliland in ay si dhow ula socdaan qoysaska maatada ah.

Somaliland ayaa 24 ka bishaan u qabatay in ay Ceerigaabo uga baxaan dadka kasoo horjeeda koonfur galbeed, waxayna sheegeen ciddii waqtigaas uga bixi weyda in tallaabo sharci ah laga qaadayo.

Guddiga Koonfur galbeed u magacowday qaabilada dadka lasoo raafayo, ayaa haatan ku sugan Garowe, waxayna diyaarinayaan qorshihii lagusoo dhoweyn lahaa dadkaas oo gaaraya boqolaal qoys.

 

 

COMMENTS
Latest News