Yoolnews.com
Britain oo ka mid noqoneysa Saamileyda dekedda Berbera
October 13, 2021 - Written by Yool News
Dubai (Yool) Shirkadda weyn ee dekeDdaha Dubai ee DP.World iyo wakaaladda dowladda Britain u qaabilsan horumarinta maaliyadda ee CDC Group ayaa Talaadadii sheegay inay qorsheynayaan inay si wadajir ah kaabayaasha saadka ee qaaradda Africa ugu maal-galiyaan illaa $1.72 bilyan dhowrka sano ee soo socda.
Maal-gashigaan ayay ku sheegeen inay ugu horreyso casriyeynta saddex dekedood, iyada oo marka hore diiradda lagu saari doonaa ballaadhinta dekaddaha ay maamusho DP.World ee kala ah Ain Sokhna ee dalka Masar, dekada Dakar ee dalka Senegal iyo dekedada Berbera ee Somaliland, sida ay sheegtay CDC.
DP Word oo ay dowladdu leedahay ayay ka go’an tahay inay maal-geliso $1 bilyan sannadaha soo socda, halka CDC ay ballan-qaadday $320 milyan oo ay suuragal tahay inay ku darto illaa $ 400 milyan oo maal-galin kale ah.
Maal-gashiga wadajirka ah ayaa aakhirka lagu ballaadhin doonaa dalalka kale ee Afrika, taas oo ay rajaynayaan DP . World iyo CDC inay dardargelin doonto ganacsiga gudaha iyo dibedda ee qaaradda.
“Waxaan leenahay aragti isku mid ah inaga iyo DP World, taas oo ah inaan doonayno inaan maal-gashi ku sameyno dekado badan oo qaaradda oo dhan ah intii suurtagal ah,”Ayuu madaxa CDC Tenbite Ermias u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters.
Iskaashiga labadan shirkadood ayaa sidoo kale qorshayna inay maal-galiyaan, kaabayaasha dhaqaalaha, sida kaydka konteenarada iyo saldhigyada xarumaha ganacsiga.
CDC ayaa yeelan doonta saamiga wax ka yar kalabadh saddexdan dekedood, sida uu sheegay Ermias, iyada oo DP World ay ku wareejinayso saamiyada dekadahaas.
Ballaadhinta saddexdan dekedood ayaa sida ay sheegtay CDC, waxay hagaajin doontaa helitaanka badeecadaha muhiimka u ah 35 milyan oo qof, oo ay ku jiraan waddamada deriska ah, iyagoo sidoo kale abuuri doona 5 milyan oo shaqo, isla markaana ay $51 bilyan ku dari doonaan ganacsiga guud marka la gaaro sanadka 2035.
Reuters

COMMENTS
Latest News