Yoolnews.com
Guddida Qaban-qaabada Shir weynaha Labaad Ee Xisbiga WADDANI Oo Shaacisay In Shirkii Dib Loo Dhigay Iyo Sababta
October 12, 2021 - Written by Yool News
Shir weynihii labaad ee Xisbiga WADDANI oo muddaysnaa inuu qabsoomo dhammaadka bishan October 2021-ka, ayaa dib loo dhigay muddo laba toddobaad ah,kaas oo loo riixay inuu qabsoomo badhtanka bisha soo socota ee November 2021-ka.
Guddida qaban-qaabada shir weynaha labaad ee Xisbiga oo war-baahinta kula haddashay xarunta guud ee Xisbiga WADDANI ayaa shaacisay in shirkaas dib loo dhigay muddo laba toddobaad ah sababo farsamo awgood.
Guddoomiyaha guddida qaban-qaabada shir weynaha Xisbiga WADDANI Ismaciil Aadan Cismaan, ayaa sheegay in shirkaas dib loogu dhigay sababo ay kamid yihiin,wadda haddalada u socda Xisbiga iyo Siyaasiyiinta uu hoggaaminayo Maxamuud Xaashi Cabdi iyo sidii wakhti loo siin lahaa ergooyinka daafaha dunnida ka kale imanaya ee ka soo qayb-gelaya shirka.

 

COMMENTS
Latest News