Yoolnews.com
Xukuumada Madaxweyne Biixi Oo Joojisay Shir Ay Magaalada Hargeysa Berri ku Qabsan Lahayeen Dhalinyarada Beelaha Arab
October 11, 2021 - Written by Yool News
 
Maamulka gobolka Maroodijjeex ayaa amray inaan magaalada Hargeysa iyo nawaaxigeeda lagu qaban karin shirar huwan magacyo beeleed, oo aan ogolaasho ka haysan wasaaradda arrimaha gudaha, kuwaas maalmihii u dambeeyay abaabulkoodu socday.
Amarkan oo soo baxay xafiiska guddoomiyaha gobolka Maroodi-jeex mudane Maxamed Cali Axmed, waxa lagu sheegay in shirarkani yihiin kuwo ay qabsanayaan dhallinyaro.
Shirkadaha wax daabaca iyo huteelada ayaa lagu wargeliyay in aanay arrimahaas gacan ka gaysan, iyadoo ciidamada ammaankan la faray inay tallaabo ka qaadaan ciddii u hoggaansami wayda amaradaas.
No photo description available.

COMMENTS
Latest News