Yoolnews.com
Xogo Iftiimiyey Inuu Badhasaabka Gabiley Qaybka Yahay Musuqmaasuqa Hadheeyey Maayirka M. Aamin Iyo Mooshinka Xilka Qaadistiisa oo La Loodin La’yahay….
October 10, 2021 - Written by Yool News

Gabiley(Yoolnews.com)-Gudoomiyaha Gobolka Gabiley Cabdikariin Aadan Xaaji Diiriye, ayaa Dagaal ba’an kala hor-tagay 7 Xildhibaan oo kamid ah Mudanayaasha golaha deegaanka degmada Gabiley, oo dhowaan Mooshin Xilka qaadis ah ka keenay Maayirka Gabiley Maxamed Aamin Cumar Cabdi.
BadhasaabkaCabdikariin Aadan Xaaji Diiriye, oo iska indho-tiraya xaqa Mudanayaasha Golaha deegaanka degmada Gabiley u leeyihiin mooshinka Xilka Qaadista iyo Doorashada, ayaa si badheedh ah oo dhinaca ula saftay maayirka Gabiley Maxamed Aamin, isla Markaana qaab sharci daro ah u diiday fadhiisinta kalfadhiga goluhuu xilka kaga qaadayo, ama ugu daynaayo Gudoomiyahooda ay Dul-hoganayaan eeddo Musuqmaasuq oo baaxad leh, Iyagoo Xildhibaanadu soo bandhigeen xogo iyo caddaymo waaweyn oo la xidhiidha lunsiga hantiyeed ee Maayir Maxamed Aamin.
Warar u dhuundaloola Dhaqdhaqaaqa Gudoomiyaha Gabiley iyo Maayirka, ayaa daaha-ka fayday inuu Badhasaabka gobolka Gabiley uu qayb ka ahaa Musuqmaasuqa Dul-hoganaya Maayirka, taasina sababtay inuu Badhasaabku si indho la,aan ah u difaaco Maayirka ay Dul-hoganayaan Musuqmaasuqu.
la soco qaybaha dambe iyo xogo iftiimin doona cadadka lacageed ee ku baydhay Badhasaabka gobolka Gabiley.

COMMENTS
Latest News