Yoolnews.com
Xoghayaha Degmada Tog Wajaale Oo Ku Kacay Musuq Maasuq Baahsan Iyo Xogaha Laga Helayo Guryo Uu Ka Dhistay Hargaysa Iyo Meherado Ganacsi.
October 5, 2021 - Written by Yool News

Wajaale(Yoolnews.com)-Xoghayaha Degmada Tog Wajaale ee gobolka Gabiley oo xilka xoghaye hayay mudo haatan gaadhay 7sano iyo Dheeraad Ismarkaana ka hadhay maamulkii hore ee la badalay ayaa mudadii uu xilka xoghayaha degmada Wajaale hayay lagu eedeeyay in uu ku kacay lunsi hantiyeed iyo wax isbada marin baahsan Taasi oo uu madadaasi oo guryo hantiya ka dhistay magaalada gabiley ,wajaale iyo Hargaysa Oo uu dhawaan ka dhamaystirtay guri bangalo ah halka uu meherad ganacsina ka furtay magaalada hargaysa gaar ahaan xero arw taasi oo lagu magacaabo “SAMAALE”
Sidoo kale Xoghaye Cabdilaahi Xasan Samaale oo ah masuul ay bulshada reer wajaale iyo shaqaalaha dawlada hoose siwayn uga cawdaan ayaa magaalada hargaysa gaar ahaan agagaarka Kaantaroolkii hore ee galbeedka Hargaysa ka dhisay guri bangalo ah kaasi oo dhawaan farta laga qaaday sida ka muuqata sawirada gurigan oo aan halkan idiinku soo gudbinayno. Halka uu gabileyna ka dhistay inta la ogyahay hal guri wajaalena uu ka samaystay dhismayaal bakhaaro ganacsi ah.
Magaalada wajaale oo ah magaalo ganacsiyeed ay kazoo xaroodaan dhaqaale faro badan ayaan hadana helin wax Adeegyada bulshada ah iyo horumar laga hirgaliyay halka ay dadkeeduna la daalo dhacayaan wado xumo iyo biyo la,aan iyo qashin buux dhaafiyay balse masuuliyiinteeda xilalka hayaa qaarkood ay ka noqdeen Taajiriin.
Musuq maasuqa iyo hanti lunsiga uu ku kacay xoghaye samaale ayaan ku koobnayn dhismayaasha iyo meherada ganacsi ee uu furtay balse waxaa kale oo jira dhaqaale badan oo uu lunsaday Mudadaa dheer ee uu xilka hayay kuwaasi oo loogu talo galay dhiraynta magaalada wajaale iyo kuwo kale oo qarsoonba.
Dhanka kale xoghayaha degmada wajaale ayaa isagu caqabad ku noqday horumar iyo isbadal laga filayay In ay sameeyeen maamulkii loo magacaabay Degmada ee gudoomiyaha iyo gudoomiye kuxigeenka, wallow ay sida xubnahi ku andacoodaan in wixii ay degmada ka qaban lahaayeen ay hadhaysay isla jaanqaad la,aan iyo laf dhuun gashay oo uu ku noqday xoghayaha degmadu oo isagu shaqada mudo kusoo dhex jiray ismarkaana ku kaca arimo badan oo aanay waxba kala socon labadan masuul ee xilalka degmada iskaga sareeya.
Wasaarada arimaha gudaha Somaliland ayaad moodaa in ay gabi ahaanba ka gaabisay masuuliyadii ka saarnayd la socodka masuuliyiinta xilalka haya ee wakiilka uga ah dawladaha hoose halka wajaalena ay safka hore kaga jirto magaalooyinka ay dhaqaalaheega siday doonaan ugu tagri faraan masuuliyiin aan xilka laga badalin mudo dheer, waana masuuliyad daro saaran wasaarada arimaha gudaha oo bulshada ka sugayso in ay dardar galin iyo lasocod ku samayso xubnaha xilalka haya.

COMMENTS
Latest News