Yoolnews.com
Xubno Ka Tirsanaa Sirdoonka Mareykanka Oo Qirtay Inay Si Qarsoodi Ah Ugu Shaqeyn Jireen Imaaraadka Carabta
September 15, 2021 - Written by Yool News

 

 

Saddex sarkaal oo hore ugu soo shaqeeyay hey’adaha mukhaabaraadka iyo millatariga Mareykanka ayaa qirtay in ay si qarsoodi ah ugu shaqeeyeen dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta, si ay uga caawiyaan in Imaaraadku beegsado kambuyuutarrada iyo teledoonnada cadawgiisa.

Waaxda Caddaaladda Mareykanka ayaa Salaasadii sheegtay in saddexdani nin ay aqbaleen in ay bixiyaan lacag dhan hal milyan iyo toddobo boqol oo kun oo doollarka Mareykanka ah, si ay loo tuuro dacwado ay kusoo oogtay Waaxda Caddaaladda Mareykanka.

Hey’adda Caddaaladda Mareykanka ayaa ku tilmaantay heshiiskaas kii ugu horreeyay oo noocsiisa ah.

Eedeysanayaasha kala ah Marc Baier, Ryan Adams iyo Daniel Gericke ayaa lagu soo eedeeyay inay maamulayeen hey’ad saldhigeedu yahay dalka Imaaraadka, taas oo ka shaqeysa howlgallo lagu jabsado kambuyuutarrada iyo telefoonnada dadka kasoo horjeedda Dowladda Imaaraadka.

Kambuyuutarrada ay u dhaceen ayaa la sheegay inay yaalleen meelo badan oo dunida ah oo uu ka mid yahay Mareykanka.

Saddexdan sarkaal ayaa lagu eedeeyay in ay jabiyeen xeerarka la xidhiidha macluumaadka iyo jabsashada kambuyuutarrada ee Mareykanka.

COMMENTS
Latest News