Yoolnews.com
Suldaankii Guud Ee Beesha Arab Oo Geeriyooday
September 14, 2021 - Written by Yool News

 

 

Alle ha u naxariistee waxa xalay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga ku geeriyooday Suldaan Cumar Suldaan Maxamed Suldaan Faarax.

Sul. Cumar (Suldaanka Guud ee beesha Arab) ayaa la sheegaa in uu ahaa nin dhowrsoon, cibaado badan, afgaaban, oo haybaddii iyo karaamadii Saldanad lagu yaqaanay oo dhan koobsaday.

Bahda Somalilandtoday waxa ay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan dhammaan qoyska Reer Suldaan, qaraabadii, beesha uu suldaanka u ahaa, iyo guud ahaan Qaranka JSL.

Ilaahay jannooyinkiisa ha ku deeqo innaga samir iyo iimaan hay naga siiyo, Aamiin Yaa-Rabbi.

COMMENTS
Latest News