Yoolnews.com
Madaxweyne Geelle Oo Cisbitaal La Dhigay Iyo Dawlada Jabuuti Oo War Ka Soo Saartay Xaaladdiisa
September 14, 2021 - Written by Yool News

Qoraal uu bartiisa twitter-ka ku baahiyay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dalka Jabuuti Mahamoud Ali Youssouf, ayaa wuxuu ku beeniyay wararka sheegaya in xaaladda caafimaad ee madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ay liidato.

“Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle wuu fiican yahay. Dhammaan wararka ku saabsan xaaladdiisa caafimaad waa kuwo xaqiiqda ka fog.” Ayuu ku yiri qoraalkiisa.

Waxa uu sidoo kale sheegay in madaxweynaha lagu samaynayo baaritaan caafimaad “sababtuna ay tahay nasasho la’aan maadaama uusan dalka ka bixin xagaagii oo dhan.”

“Madaxweyne Geelle wuxuu shaqadiisa ku soo laabanayaa maalmo gudahood, mana jiro walwal gaar ah oo la qabo” Ayuu wasiirka raaciyay.

Baraha bulshada ayaa tan iyo shalay waxa la isla dhex qaadayay warar sheegaya in xaaladda caafimaad ee madaxweynuhu ay liidato oo lagu dabiibayo isbitaal ku yaala magaalada Paris.

COMMENTS
Latest News