Yoolnews.com
Xildhibaan Caynaba kasoo baxay Oo ka hadlay xaalada Laascaanood iyo kuwii Laascaanood kasoo baxay Oo ka aamusan.
September 12, 2021 - Written by Yool News

Hargeysa(Yool)-Xildhibaan Axmed/Khaliif Jaamac Saalax oo lagasoo doortay gobolka Sool golaha wakiladda Somaliland  ayaa su’aal galiyay dilalka masuuliyiinta ee Laascaanood kusoo noq-noqda cidda fulisa ???

“Muddo 41 cisho  gudahood ah ayaa laba Masuul  lagu dilay magalada #Laascaanood gudaheeda, Labadaas Masuul oo mid xildhibaan ahaa midna Gudomiyihii Komishanka Qaranka ee Gobolka Sool .

Ilaa hada cid loo qabtay majirto, laamaha Ammaankuna ilaa hadda kamay hadal, ciddi falalkaas wax-shinimada leh gaysatayna meelna dawladu Kuma sheegto, cid loo soo Qabtayna oo loo xidhayna Hadalkeeda daa.
Su’aasha iswaydiinta leh ayaa ah ee  ilaa hada Caqligeygu qaadan waayay ayaa ah In  Magaalada Oog ilaa Tukaraq waxaa jooga 12 kun oo askari oo Milatary ah waa 80% Ciidankii Qaranka Jamhuuriyada somaliland ,Hada Ogow ciidankii  Police  ka iyo Sirdoon  ka  kuma jiro tiradaasi.

 

Jawaabteyda Iisoo Baxday ee Aaragtidayda ah  Ayaa Waxay Noqotay in Dawlada Somaliland  Ahmiyada ugu wayn ee ay ujoogtaa Gobolka Sool Ay Tahay in Puntland Lagaa ilaaliyo Xadka Somaliland oo Qudha ,
Laakin Aanay Dawlada Somaliland  muhiimad wayn uahayn In Gobolka Gudihiisa Iyo Gaar ahaan Magaalada laasacanod aanay si dhab ah Amnigeed iyo Nabad galyadeeda  in Si buuxda gacanta loogu dhigo aan Daacad Laga ahayn.
Caqliga iyo Damiirka Caadiga ah waa waxaanu qaadan karin in meel 12 kun oo askari joogaan Maalin walba dad Haldoor ah lagu laayo .
Cidii wax dishana aan lasoo qaban sharcigana lagu ciqaabin .”

Xil. Axmed/Khaliif Jaamac Saalax .

COMMENTS
Latest News