Yoolnews.com
Urur Siyaasadeed Cusub oo u Tartami Doona Xisbi Qaran oo Somaliland ah, oo Ay ku Dhawaaqeen Siyaasiyiiin iyo Aqoonyahano Bulshada Saamayn ku Leh…
September 12, 2021 - Written by Yool News

Oslo Norway(Yool )-Siyaasiyiin, Aqoonyahano iyo Haldoor kale oo qaybaha bulshada saamayn ku leh, oo kasoo jeeda deegaanada Somaliland oo dhan, ayaa dalka Norway gaar ahaan Magaalada Oslo kaga dhawaaqay Urur Siyaasadeed cusub oo u tartamaya kamid noqoshada Xisbi qaran oo Somaliland ah.
Siyaasiyiintan iyo Aqoonyahanadan habeen hore si rasmi ah ugu dhaqaaqay urur Siyaasadeed cusub oo magaciisa la yidhaahdo (Hiigsi). Gudoomiyaha Urur Siyaasadeedka Hiigsi ayey Aqoonyahanadaas iyo Siyaasiyiinta ku bahoobay Urur Siyaasadeedka Hiigsi, waxay u doorteen Gudoomiye Siciid Maxamed Amiin, oo ah Aqoonyahan, Siyaasi iyo haldoor bulshada si weyn looga ixtiraamo.

COMMENTS
Latest News