Yoolnews.com
Xafiiska Xeer Ilaalinta Gobolka Saaxil oo u Kala Eexday Sadex Nin oo Khamri Cabis Lagu Xidhay… Gudoomiye Ku xigeenka Gadiidlayda Tawfiiq oo lagala Meeraystay kusoo Oogista Dacwada Maandooriyaha…
August 1, 2021 - Written by Yool News

Berbera(Yool)Xafiiska Xeer Ilaalinta Gobolka Saaxil, ayaa u kala eexday Saddex Eedeysane oo lagu soo qabtay inay Cabeen Maandooriyaha Khamriga.
Sadexda eedaysane laba kamid ah ayay xeer ilaalintu kusoo oogtay Dacwad la xidhiidha cabista khamriga, hase-yeeshee sadexda eedaysane oo mid kamid ahi yahay masuul haya xilka Gudoomiye ku xigeenka Gaadiidlayda Tawfiiq, Isla markaana lagu magacaabo Isaxaaq Ibraahin Muxumed ayaa uu Xafiiska Xeer ilaalintu Faraha kala baxay eedda loo haysto. Kaddib markii odayaal iyo ergo tiro badani iskaga dab-qaadeen Xeer ilaalinta iyo Maxbuuska ku xabusan eed lamid ah, ta saaxibadii lagu horgeeyey Maxkamada Gobolka Saaxil.
Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay oo ay heshay Shabakada Warar ee Yoolnews.com, ayaa tibaaxay in talaabada eexda ah ee Xafiiska Xeer ilaalinta Saaxil ku kacay ee ah u cadaalad samaynta maxaabiis isku kiis ah ayaa si weyn looga hadal hayaa Magaalada Berbera.

COMMENTS
Latest News