Yoolnews.com
Xildhibaan kamid ah X. Kulmiye oo Shaaciyay In Uu Taageerayo Shir Gudoonka Isbahaysiga Xisbiyada Mucaaridka!.
July 27, 2021 - Written by Yool News

HARGAYSA(Yool)-Xildhibaan Garyaqaan Mustafe Axmed Oo Kamid ah Xildhibaanada Gobolka Sool uga soo baxay xisbiga Kulmiye ayaa Hada ku dhawaaqay inuu tageersan yahay Isbahaysiga Mucaaradka iyo shir gudoonka ay dhisayaan Ee Ay   usoo Xusheen Hogaaminta golaha wakiilada Somaliland ee uu Hormuudka ka yahay xildhibaan cabdirasaaq khaliif.

Sidoo kale xildhibaan mustafe ayaa ka waramay shirqoolo halis Oo ay xukuumadu kula kacday isagoo ku sugan caasimada dalka itoobiya ee adis ababa,

Taageerada isbahaysiga ee xildhibaan mustafe oo kasoo baxay xisbiga kulmiye ayaa jawaab u ah xildhibaan xisbiga wadani uga soo baxay gobolka maroodi jeex oo isna caawa shaaciyay in uu taageerayo shir gudoonka xisbiga kullmiye ee yaasiin xiir faratoon taasi oo sii adkaynaysa loolanaka loogu jiro shir gudoonka golaha wakiilada ee udhexeeya xukuumada madaxwayne biixi iyo isbahaysiga xisbiyada mucaaridka ee wadani iyo Ucid kala horarsiga loogu jiro xildhibaanada cusub ee golaha wakiilada .

COMMENTS
Latest News