Yoolnews.com
Wararkii u dambeeyey ee Xaalada Itoobiya iyo Guulaha is-barkan ee ay Gaadheen Jabhadaha TPLF, Canfar, DDS iyo Onlf…
June 28, 2021 - Written by Yool News

Ethiopia yada maanta. Sidaa badankiinu aydin maqasheen, caasimadii gobolka tigree ee maqale waxay galabta gacantooda dib ugu noqotey dagaal yahanadii TPLF. 

Waan fahmi karaa inay surprise warkani yahay oo la fahmi laayey sidan dhibta yar ee arintu udhacday. 
Wararka daaha dabadiisa humaagiisu  ka baxayey ayaa ii xaqiijay in wadahadal hoose oo Abiy  iyo maraykan udhaxeeyay ay jireen. 
Sobonta kowaad waa cududii ciidamada Eritrea oo u ruqaansadey xagaa iyo badhama iyo xuduuda Eritrea ay Ethiopia la wadaagto. 
Markay taasi dhacdey,  7aad kan  gumaad xun baa loo gaystey ciidamada Ethiopia, jabhaduna maalmahan ba waxay kulaalayeen maqale.  
Wiiqankaa ayaa Abiy kibir jabin unoqdey oo ninkii xabad joojinta hore u diiday ayaa  isagii xabad joojin degdega codsadey. 
Taas waxa diidey tplf oo codsadey in marka kowaad ay maqale si nabada ku wareejaan.
Taas weeyi ta keentay in maqale maanta si fudud ay u wareegto. 
Tplf conditions keedu intaa kuma dhama ee waa in gabi ahaanba gobolka tigree gacantooda degdeg ugu soo noqdo..
Maalmaha soo socdo habaqanka ciidamada federal ka Ethiopia filo oo intii bixi wayda kolba meel loo galo. 
Intaa maxaa xiga? Waxaa bilaabmi doona wadahadal ay ree galbeed ku dawlada iyo tplf  ku dhexdhexaadin doonto.
Waxaase intaa dheer in Amhara iyo oromo ba isu dayi doonan inay inqilaabaan Abiy. 
Xaalada Ethiopia hadii aanay ree galbeed  Xoog uga hawl galin waa balkanization iyo qobtolkii oo kala daata. 
Abiy hadeed waa ku daayey,  nin neceb iyo ku kanaxayowba. Dawlada ku meel gaadhka ee soo socotana waxay u badan tahay in hogaamiye looga dhigo Somali. 
Ahmed shide ayaanay diiradu saarantahay, Cagjar isaga tplf baanan ogolaaneyn,  sababtoo ah wuxuu ku haftey star war kii socdey  oo isagoon lugta iyo faraska midna ahayn buu idaacadaha afxumo badan ka geystey. Waana ninka 3aad marka military ga laga reebo, ee maanta madluun ka ah, Abiy iyo kuxigeenkiisa uun baana ka murugo badan.
Sobobta somaali loogu dhiibi karaa waa in aanay 3da qoomiyadood ee waawayni midna mid aaminayn balse somaligu yahay cida aan looga naqayn inuu qoomiyad ahaan damac yeesho,  iyo Inaan cidi godob ahayn somalida.
Tigree Ethiopia makasii mid ahaan doonaan?
Suaasha xili kale ayeynu falanqeyn doonaa, inchallah.
Xaga galbeed ka sitti,  canfartii ayaa maanta afar geesood kasoo weerartay oo haatan magaaladii garbo ciise ayay rasaastu la socotaa. 
DDS iyo onlf ayaa ugu saamayn yar maanta Ethiopia  ood Moodaa in ay iyagu isu mashquul San yihiin 
Warangalbeed 
Waayeelka waayaha geeska. 
Qoraha Warbixinta
Cabdikariin Hirsi.

COMMENTS
Latest News