Yoolnews.com
Dallada SONSAF Oo Kulan Aqoon-Korodhsi Ah U Qabtay Xildhibaanada Cusub Ee Golaha Wakiillada Iyo Khudbadihii Madasha Laga Jeediyay…
June 28, 2021 - Written by Yool News

Baaqa Guddoomiye Faysal C. Waraabe, +Ballan-qaadkii Wasiir Koore,+Talada Guddomiye Cabdiraxmaan-Cirro iyo Xildhibaan Adan Macallin oo Badda soo dhigay Aqoonsiga Somalland

Hargeysa(Xogreebnews)-Dalladda guud ee Ururada aan dawliga ahayn ee SONSAF ayaa qabatay ‘Kulanka aqoon-korodhsiga ee mudanayaasha cusub ee Golaha Wakiillada, oo ay u-jeedadiisu tahay sidii Xildhibaanada cusub ee Golaha Wakiilada ee la doortay loogu diyaarin lahaa sidii ay waajibaadkooda u gudan lahaayeen.
Kulankan oo maanta ka qabsoomay Huteelka Ambassador ee Magaalada Hargeysa, ayaa waxa uu socon doonaa muddo laba cisho ah, waxaana hagaya aqoonyahano iyo xeel-dheerayaal aqoon durugsan u leh shaqada baarlamaanada ayaa si faah-faahsan xildhibaanada cusub ugu iba-furi doona waajibaadka iyo masuuliyaadka saaran xildhibaanada iyo hannaanka tolmoon ee laga doonayo in uu u shaqeeyo xildhibaanku.

Guddoomiyaha dalladda SONSAF Anwar Cabdiraxmaan Warsame oo kulankaasi ka hadlay ayaa waxa uu yidhi “Waxaan Rajaynayaa Inaanu si fiican u wada shaqayn doonno Golahan Wakiillada ee Cusub, maadaama oo aanu muddo 10 sanno ah si dhow ula shaqaynaynnay golihii kan ka horreeyay….”

“Waxaan u ballan-qaadayaa golaha cusub inaanu Hiil iyo Hooba la garab istaagi doonno. Waanan u ducaynayaa golaha in ILAAHAY hawlaha u fududeeyo”.Ayuu yidhi Anwar.
Guddoomiyaha dalladda SONSAF Anwar Cabdiraxmaan Warsame ayaa waxa uu yidhi“Waxay maanta tani fursad noogu tahay inaynu maanta is-barano haddii aanu nahay Ururada bulshada rayidka iyo Golaha Wakiillada cusub. Aqoon-korodhsigani ma noqonayo kii danbeeyey, laakin aqoon korodhsiyo baddan oo is-daba socda ayaanu wadnaa haddii ILAAHAY yidhaahdo, oo aanu is leenahay waxay wax baddan ka tari doonaan hawl-maal-meedka ay gacanta ku hayaan Golaha Wakiillada qaranku. Waxaan rajaynayaa inaan macluumaad baddan aanu idinla wadaagi doono

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe oo ka hadlay madasha aqoon is weydaarsi ee xubanaha cusub ee golaha Baarlamaanka ayaa ugu baaqay mudanayaasha inay ka fikiraan sidii ay dalka uga saari lahaayeen nidaamka qabyaaladda ee dalka barriinsaday dalkana ugu xidhi lahaayeen adduunyada kale.

Guddoomiyaha Xibsiga WADDANI Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cabdiraxmaan-Cirro) ayaa ugu baaqay xildhibaannada cusub ee golaha Baarlamaanka inay ka faa’idaystaan aqoon korodhsigan ay u qabteen dalladda SONSAF iyo SOYDAVO, waxaanu ballan qaaday inay ku kordhin doonaan wixii khibrad ah.
Wasiirka Xidhiidhka golayaasha iyo arrimaha Dastuurka Somaliland Md. Mohamed X Aadan Cilmi oo kulankaasi ka hadlay ayaa u sheegay xubnaha cusub ee Baarlamaanka inay u diyaariyeen khubaro ka taageeri doonta dhanka shuruucda oo ka socda dalka ingiriiska, waxa kale oo wasiirku ku dooday inay golaha u diyaariyeen xarun xubanaha goluhu ku qabsadaan hawlahooda.
Xildhibaan Adan Macallin oo ka tirsan Baarlamaanka Kiiniya oo ka hadlayay kulanka aqoon-korodhsi ee xubnaha cusub ee Baarlamaanka Somaliland ayaa dawladda Somaliland iyo dadkeeda ugu baaqay inaanay hawlo baddan oo ay qabsan karaan uga maagin in aanay aqoonsi haysan. Soomaliya Iyo Somaliland-na ay yihiin laba dal oo kala gaar ah.

Wasaarada Warfaafinta Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland Md. Saleebaan Cali Koor oo kulankaasi ka hadlay ayaa waxa uu yidhi“Waxa idin hortaagan aniga oo muddo 12-sannadood ka baddan Golaha Wakiillada xubin ka ahaa, waxaan qiyaasi karnaa waxa maskaxdiisa ku jirta xildhibaanka la soo doortay ama ku fikirayo iyo marxalada uu waddanku ku sugan yahay haday tahay dhaqaale, iyo awood kale oo uu waddanku leeyahay. Qaabka loo wada shaqeeyo ‘Xukuumadda iyo Wakiilada”, sida sharciga loo curiyo. Cidda xaq u leh inay curiso, waxa jooga Xoghayihii Golaha Wakiilalada oo ah maskaxdii Golaha Wakiillada. Waxaan idin leeyahay soo dhawaada, cuqdad, yay ina kala qaadin, Waxaynu nahay dad isku doon saaran, oo wada shaqeynaya oo shaqo kulmisay, oo Dastuurku kulmiyay, oo midnimadu kulmisay, oo umadda reer Somaliland kulmisay, oo idinkuna waxaad leedihiin Waajibaad Dastuuriya.”
Aqoon korodhsigan ay si wada-jira u qabteen dalladda SONSAF iyo Ururka waddaniga ee SOYDAVO, waxaanu socon doonaa muddo laba cisho ah
Dalladda guud ee ururada aan dawliga ahayn ee SONSAF waxa ay marwalba u taagan tahay sidii loo tayayn lahaa hay’adaha dawliga ah, isla markaana kor loogu qaadi lahaa maamul wanaaga iyo dimuqraadiyaynta Somaliland.

COMMENTS
Latest News