Yoolnews.com
Musharaiinta Dhaartu u Hadhsan tahay Yaasin Xasan Cabdilahi iyo Cabdilahi Budle oo Kumanaan-kumanaan Taageerayaal Ruuxiya Kusoo Bandhigay Garoonka Geerash Aw-aadan ee Magaalada Hargeysa…
May 27, 2021 - Written by Yool News

Dabaal-degii Taaheerayaasha Musharax Baarlamaan Yaasin iyo Cabdilahi Budle ee Xaafadaha Sheekh Madar, Cabaaye, 150-ka, Aw Aadan, Sheekh Mubaarak ilaa Kiliilka….

Hargeysa(Xogreebnews)- Musharaxiinta golaha Wakiilada JSL Yaasin Xasan Cabdilahi iyo Musharax Xildhibaan gole-deegaan Cabdilahi Budle, ayaa Wacdaro waaweyn ka dhigay Dhamaan Xaafadaha kala duwan ee Magaalada Hargeysa.
Musharaxiinta oo isu-soo baxa maalinta labaad ee oloolaha Xisbiga Kulmiye kusoo Bandhigay keligood Garoonka kubada Cagta ee Geerash Aw Aadan, ayaa halkaa kusoo Bandhigay kumanaan taageeayaal ah, kuwasoo ruxay calaamadaha muaharaxiinta, Astaanta Kaluunka Musharax Baarlamaan Yaasin Xasan Cabdilahi iyo tirada Nomberka Codaynta ee Musharaxa golaha Deegaanka 207.
Munaasibad balaadhaan oo Musharaxiinta taageerayaashooda ugu qabteen Garoonka Geerash Aw Aadan, ayaa waxay si weyn ugu mahad-celiyeen kumanaanka taageerayaasha ah ee ugu Dabaal-degay isu soo baxa Balaadhan iyo kalka labaad ee Dabaal dega Oloolaha Xisbiga Kulmiye.
Musharax Xildhibaan Baarlamaan Yaasin Xasan Cabdilahi iyo Musharax Xildhibaan gole-deegaan Cabdilahi Budle waxay soo bandhigeen cudud iyo Wacdaro waaweyn, kuwasoo ku damaashaaday xaafadaha waaweyn ee Magaalada Hargeysa, iyagoo socod kasoo bilaabay Xaafada aw Aadan ilaa Sheekh Madar.
Qaybta Gaadiidka Musharaxiinta Yaasin iyo Budle, ayaa iyaguna si weyn ugu Dabaal-degay dhamaan dariiqyada magaalada Hargeysa kuwasoo ka dhigay Wacdaro layaab leh.
Geesta kale, Musharaxiinta iyo Taageerayashooda ayaa garbo siman ugu Dabaal-degay xaafadaha Kiilalka, Sheekh Mubaarig, Cabaaye, ilaa 150-ka.
Dadweynaha ayaa wacadku maray inay maalinta Codka 31-ka May inay Codkooda siin doonaan, isla markaana Taageero hiil ah la garab taagan yihiin ilaayo ay labadaas Musharax Codka siinayaan.

COMMENTS
Latest News