Yoolnews.com
Fursadaha Ay Kala Haystaan Musharaxiinta Golaha Wakiillada Ee Gobolka Maroodi Jeex!.
May 27, 2021 - Written by Yool News

Fursadaha ay kala haystaan musharaxiinta Golaha Wakiillada ee Gobolka maroodi Jeex waa mid laga saadaalin karo guusha iyo guul darrada musharaxiinta tartanka adag ku dhex mari doono beelaha ay wadaagaan. Inagoo ka duulayna sida ay ugu kala dhow yihiin guusha iyo guul darrada .
Maanta waxaynu ku soo qaadanaynaa qormadan labada musharaxa Xisbiga Kulmiye ee Yaxye Araaso Aamin iyo musharaxa Xisbiga Wadani Maxamad Cabdilaahi Jaamac (Bookh) .
Xaqiiqdii labada musharax waxay ka soo wada jeedaan Beesha Xareed Barre , waa laba musharax oo ganacsato ah oo dhaqaale ahaan dhisan . Waydiintu waxay tahay ma jiraan fursadaha ay kala haystaan labada musharax ? Ma jiraan caqabado labadooda hortaagan ama mid ka mid ah ka hortaagan guusha ?
1;Aynu ku horayno musharaxa Yaxye Araarse Aamin oo ka sharaxan Xisbiga Kulmiye, waxaa jira caqabado ku gudban fursado uu ku guulaysan karo tusaale ahaan Musharax Yaxye Araarse Aamin waxaa Xisbiga Kulmiye kala sharaxan Afar Musharax oo ka soo jeeda Beesha Abokor Isaaq ee Xuseen Abokor Iyo Jibriil Abokor, sida musharaxa Axmed Cabdi Muuse oo Beesha reer Dallal kalidii u sharaxan Cabdikariin Maxamad Muxumad oo Beesha Reer Xaad Cali kalidi u sharaxan, musharax Muj Nuur Muhandis oo kalidi u sharaxan Beesha Reer Shirdoon Yoonis nuux , musharax Axmad Kaare oo kalidi u sharaxan Beesha Samatar Cabdalle .
Waxaa marag ma doona in Afartaa musharax ee beelaha kaligood uga sharaxan golaha Wakiillada ay yihiin caqabada u wayn ee sobobaya in musharax Yaxye Araarse Aamin uu guulaysto .
2;Musharax Maxamed Cabdilaahi Jaamac ( Bookh ) waxaa jira fursado uu ku guulaysanayo, mar hadii ayna jirin musharaxiin Xisbiga Waddani ka sharaxan oo beelo waa wayni kalligood wataan . Sidaas darteed, waxaa la saadaalin karaa in musharaxa Xisbiga Wadani Maxamad Cabdilaahi Jaamac ( Bookh ) uu ku guulaysan doono doorashada Golaha Wakiillada oo Saddex maalmood ka dib loo dareeri doono Allaa og xaqiiqda iyo musharaxa guulaysanaya .
Qormadii 1 aad
LASOCO.
Xigasho Yoolnews.com Gabiley.

COMMENTS
Latest News