Yoolnews.com
Musharax Xildhibaan Iid Saleeban(Belo) oo Kumanaan Taageerayaal Ruuxiya Kusoo Bandhigay, Dacarbudhuq, Abdaal, ilaa Berbera iyo Wacdarihii Maanta ay Dhigeen Taageerayaashiisu…
May 25, 2021 - Written by Yool News

Abdaal(Xogreebnews)-Boqolaal iyo Boqolaal kamid ah, Taageeraayaasha ruuxiga ah ee Musharax Xildhibaan gole-deegaan Iid Saleeban (Beelo), ayaa Maanta Wacdaro ka dhigay Degmooyinka tiro badan oo Hoosyimada Gobolka Saaxil.
Degmooyinka Maanta Hal-daba la ugu Dabaal-degay Maalinta Oloollaha Xisbiga Wadani, gaar ahaana Taageerasha u ah Xildhibaan Iid Saleeban oo u tartamaya golaha Deegaanka degmada Berbera, hadana kamid ahaa mudanayaashii ugu waxqabadka badnaa, isla markaana sida weyn dadkiisa iyo deegaankiisa ugu xidhnaa, ayaa waxa kamid ahaa Dacarbudhuq, Abdaal, Xamaas iyo inta kalee ee ku teetsan wadaada iyo weliba Degmada Bulaxaar, oo ay jidka kusoo jiraan muuqaaladeedii iyo sawiiradii.
Sidoo kale, Musharax Xildhibaan Gole-deegaan Iid Saleeban Cali, ayaa shaaracyada Magaalada Berbera kusoo Bandhigay kumanaan Taageerayaal ah, Kuwasoo u damaashaadaya isagga, isla markaana uu ah Taageero.
Musharax Iid Saleeban, ayaa Wacdaro ka dhigay Deegaano badan oo Hoosyimada Gobolka Saaxil, waxanu soo Bandhigay Taageeraal Kumanaan ah oo Ruuxiya.
La soco qaybaha dambe ee Warka.

COMMENTS
Latest News