Yoolnews.com
Ururka Vosomwo Oo Fariinta Muhiima u Diray Codbixiyaasha…
May 22, 2021 - Written by Yool News

Hargeysa(Yool)- Ururka Waddaniga ah ee Vosomwo, una dooda xuquuqda Haweenka iyo dadka la hayb-soco, waxa uu Bulshada Somaliland ee qaatay Kaadhka Codbixiyaasha ugu baaqaya inuu raaco hab-raacyada loo asteeyey inuu qaato Muwaadiniinta Codbixiyaasha ah.
Ururka Vosomwo, waxa si weyn ugu Wacyigelinayaa dadweynaha Codbixiyaasha ah, in looga baahan yahay Feejignaanta faafka Coronavirus, iyadoo loo baahan yahay in laga taxadero, isla markaana la codeeyo.
Sidoo kale, waxa uu Ururka Vosomwo ugu baaqayaa Codbixiyaasha in Muwaadin kasta oo haysta Kaadhka Codaynta uu hal mar xaq u leeyahay inuu Coodeeyo, waxa kaloo u Bulshada ku wanaaninayaa in la caawiyo dadka naafada ah ee doonaya inay Codka dhiibtaan.
Waxa kaloo uu ururku dadweynaha ugu baaqayaa inuu Codbixiyaashu hubiyaan in loo dhiibay labada waraaqood ee Codbixiyaha, sidoo kale, waa inuu qofka gacanta kusoo qaataa kaadhka Codaynta. Halkan si mug leh uga Bogo fariimaha muhiimka ee Codbixiyaasha.

COMMENTS
Latest News