Yoolnews.com
Gantaalkii Shiinaha Ka Fara Baxsaday Oo Ku Dhacay Badweynta Hindiya
May 9, 2021 - Written by Yool News

Shiinaha ayaa sheegay gantaalkii fakaday oo dhulka ku soo socday uu ku soo dhacay Badweynta Hindiya mee u dhaw jasiiradda Maldives.

Warbaahinta afka dowladda Shiinaha ku hadasho waxay sheegtay gantaalkan dhulka ku soo wajahnaa uu burburkiisa ku soo dhacay Jihada Bari (72.47°) iyo Waqooyi (2.65°).

Xaruumaha Mareykanka iyo Yurub ee lagu raad raaco dayax-gacmeedka ayaa dabagal xooggan ku hayey gantaalka Shiinaha ee hawada sare ka soo socday ee dhulka ku wajahnaa ee lagu magacaabo Long March 5b.

Warbaahinta Shiinaha waxaa kale oo ay sheegeen gantaalka uu hawada dhulka soo gaaray Axaddi saacadda dalkaasi Shiinaha markay ahayd 10:24.

Shiinaha ayaa gantaalka Long March 5B hawada sare u diray 29-kii bishii April, kaasoo ay markii dambena sheegeen inuu maamulkiisu ka fara baxasay.

Gantaalkan oo laga ganay Jasiiradda Hainan ee dalka Shiinaha ayaa qalab u siday saddex cirbixiyeen oo Shiinaha u dhashay, kuna sugan hawada sare. Qalabkan ayuu qorshuhu ahaa in lagu dhammeystiro Saldhigga Shiinaha ee hawada sare.

Goobaha dayax gacmeedkaasi lagu raadraaco ayaa waxa ay kormeerayeen dib u soo noqoshada gantaalka weyn ee Long March 5B.

Laanta kormeerka iyo raadraaca dayax gacmeedyada ee Millatariga Mareykanka ayaa sidoo kale xaqiijisay soo dhicitaanka Long March.

“Qof kasta oo kale oo raacaya dib u gelitaanka Long March 5B wuu nasan karaa. Gantaalku wuu soo dhacay.” Ayaa lagu sheegay war ay soo saareen.

Gantaalkan ayaa dhaliyay cabsi iyo hadalhayn badan, tan iyo markii Dowladda Shiinaha ay toddobaadkii hore sheegtay inuu faraheeda ka baxay.

COMMENTS
Latest News