|
|||||
Yoolnews.com
“Anigu Magacyo Waan Arkaa; ma se Arko Xisbiyo dhab ahaan Dhisan Oo nolol Waxqabad Siyaasadeed leh”.Rashiid cabdilaahi.
February 1, 2021 - Written by Yool NewsXisbiyada la sheego ku ma arkin oo ku ma baadisooci karo ulajeeddooyin siyaasadeed oo cabbiraya baahiyaha dadka iyo aayaha dalka meesha hirashadiisu tahay ee uu qofka muwaaddinka dalka ahi danahiisa ka arki karo. Waxii beri xaashiyo lagu soo qorqoray, waa wax beri la sheeg-sheegay oo aan dib loo maqal loo na arag. Waxii u qornaa ba waa wax aan ka dhab ahayn; waayo haddii kale, maalin walba dadka ayaa la la dhexjoogi lahaa oo la ma illaabeen. Tu kale na: nin aan weligii ba xisbiga ka mid noqon bay suldaan iyo caaqillo qabiillo soo kaxeeyeen oo u keeneen sheegato madax xisbi. Waxa ay yidhaahdeen haddii aannu nahay Reer Hebel, ninkan baannu wadannaa oo noo gelaya Golaha Wakiillada; xisbigaaga ayaannu ugu codaynaynaa! Waa hagaag buu yidhi oo calankii iyo calaamaddii xisbiga ayuu siiyey. Farxad na wuu la boodbooday oo kuye: “Reer Hebel waa xisbigayga”! Ma aragtaan? Xisbigu waa calan iyo calaammad keli ah. Ninkan koox isku qolo ah baa wadata oo soo sharaxatay oo waxa ay si qaawan u leeyahiin annaga Reer Hebel ayuu gololaha noo gelayaa. Xisbiga la sheegayaa waa wax aan jirin. Sow ma aha?
COMMENTS
|
Latest News
|