Yoolnews.com
“Golayaasha Deegaanada Waa Loo Baahnaa In Dhiig Cusub Lagu Talaalo, Si Kor Loogu Qaado Tayadooda”Siyaasi Cali Guray.
January 29, 2021 - Written by Yool News

HARGAYSA(Yool)-Siyaasi Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray) oo Kamid ah siyaasiyiinta reer somaliland ee ka faalooda xaalada Taagan iyo isbadalada ka socda geeska Africa ayaa ka hadlay Muhiimada ay bulshada uleedahay in ay doorashada soo socota Doortaan gole deegaano ka wanaagsan kuwa hada xilku kazoo dhamaanayo iyo isbadalka lagu sameeyay tiradii golayaashada deegaanka dalka

Sidoo kale cali guray ayaa rajo fiican ka muujiyay musharixiinta golayaasha deegaanka ee ilaa hada sharaxan

Siyaasi cali guray ayaa qoraal uu arimahaasi kaga hadlayo ku baahiyay barta uu ku leeyahay xidhiidhka bulshada ee facebookga wuxuna udhignaa Sidan;

Anigu Doorashadan Waxan Si Gaar ah isha ugu hayaa maaha Baarlamanka ee waa Golayaasha Degaanka oo la filayo tiro Ahaan iyo tayo ahaanba in ay ka duwanaan doonaan Golayaashan hadda jira. Tusaale ahaaan 25ka xubnood ee Gole Caasimadda waxa bedeli doona gole ka kooban 17 xubnood oo Keliya hadana marka aan eego musharixiinta safka hore inta Ilaa hadda aan aqoonsaday ee ka kala sharaxan sadexda xisbi Aan rejo fiican ka qabo in Golaha cusubi uu aad uga tayo fiicnaan doono Golahan hadda jooga. Waan taageersanahay tiro yar iyo tayo fiican aniga oo og carqaladaha horyaala ee sharci iyo maamul oo mar kasta ku noqon doona dhibaato xilgudashadooda siiba magaalooyinka waawayn ama muhiimkaba ah.

Siyaasi Cali Maxamed Yuusuf “Cali Guray”

COMMENTS
Latest News