Yoolnews.com
“Anigu Magacyo Waan Arkaa; Ma se arko Xisbiyo Dhab Ahaan Dhisan Oo Nolol Waxqabad Siyaasaddeed Leh.” Rashiid Gadhweyne
January 29, 2021 - Written by Yool News

Soomaaliland xisbiyo ma jiraan mise maya?

Xisbiyada la sheego ku ma arkin oo ku ma baadisooci karo ulajeeddooyin siyaasadeed oo cabbiraya baahiyaha dadka iyo aayaha dalka meesha hirashadiisu tahay ee uu qofka muwaaddinka dalka ahi danahiisa ka arki karo. Waxii beri xaashiyo lagu soo qorqoray, waa wax beri la sheeg-sheegay oo aan dib loo maqal loo na arag. Waxii u qornaa ba waa wax aan ka dhab ahayn; waayo haddii kale, maalin walba dadka ayaa la la dhexjoogi lahaa oo la ma illaabeen.
Intaas ba iska illlow.
Odhan maayo waa run, ma se baciidsanayo; waayo waayaha jira, waa lagu runmaysan karaa.  Waxa aan ka hadlayaa sheeko iga soo gaadhay qof ugaqaateen ah.  Waxa ay sheekadu leedahay nin baa u tegay madax xisbi.  Waxaa uu ku yidhi xisbiga ayaan ahay oo waxa aan rabaa in uu(xisbigu) ii rashaxo doorashada soo socota ee Golaha Wakiillada.  Waxaa lagu yidhi: Reerka aad ka dhalatay ama jilibka ama jibsinta(wax kasta oo ay tahayba) ha ku soo saaraan oo odayaashu ha noo ama ii kaa keenaan. Haddii reerku ku soo xulo waa hagaag, haddii kale, ha soo lug go’in!  Meeyey xisbigii?
Tu kale na: nin aan weligii ba xisbiga ka mid noqon bay Suldaan iyo caaqillo qabiillo soo kaxeeyeen oo u keeneen sheegato madax xisbi. Waxa ay yidhaahdeen haddii aannu nahay Reer Hebel, ninkan baannu wadannaa oo noo gelaya Golaha Wakiillada;  xisbigaaga ayaannu ugu codaynaynaa! Waa hagaag buu yidhi oo calankii iyo calaamaddii xisbiga ayuu siiyey. Farxad na wuu la boodbooday oo kuye: “Reer Hebel waa xisbigayga”! Ma aragtaan? Xisbigu waa calan iyo calaammad keli ah.  Ninkan koox isku qolo ah baa wadata oo soo sharaxatay oo waxa ay si qaawan u leeyahiin annaga  Reer Hebel ayuu gololaha noo gelayaa.  Xisbiga la sheegayaa waa wax aan jirin. Sow ma aha?
Awel goorma ayaa kuwa hadda meesha fadhiya la doortay?  Waxa aan ka mid ahaa Gudddi uu Guddoomiyahii  Komishanka Doorashooyinka  ee waqtigaasi u soo xulay kormeerka anshaxa habsocodka doorashada. Maalin dambe oo doorshadii dhammaatay baan ka qaybgalay kulan laga ga hadlayey casharrada laga la soo baxi karo doorashadii la galay iyo sida ay u dhacday. Waxa aan isla maalitaas ka hadlay  maqnaashaha kaalintii xisbiyada iyo qabyaaladda mudhbaxa ahayd ee halkoodii(xisbiyada) gashay. Waxa aan ku dooday in shirar qabiil lagu soo xulay dadka isu soo taagay doorashada; ololaha iyo codbixintu na ay ahay hiilo qabiil, xisbiyadu na aanay ahayn wax tirsi iyo tirsiisin ba ku jira.
Bilowgii hore iyo maalin walba waxaa ii muuqatay (aanan se kulankaas ka sheegin) beenta kasmada gaaban ee tidhi qabiilkii baynu ka guurnay oo xisbiyo qaran baynu u guurnay. Doorashadaas hore, guryaha ayaa shirarka qabiil lagu qabanayey; Maanta, si buuxda, ayey u dhardhigatay oo ayada oo qawaan baa warfaafinta la iska arko la la horyimaaddaa: “Haddii aannu Qolo Hebla nahay, hebel ina ” Hebel baannu u dooranaynaa Maxay iyo Maxay”!
 Xisbiga runta ahi waa isutaga hoggaamineed oo ururiya awoodda dadka muwaadiniinta ah oo ku hoggoomiya  danaha dhaqaale iyo dhaqan iyo bulsheed ee ay wadaagaan. Awooddaas maanta xibi lehi ka ma jiro Soomaaliland. Waxa jirta awood lallabe hunguri siyaaasadeed. Waxaa na ku danaysta jinniborro qabaa’il u cumaamadan. Xildhibaan(xil ba ma dhidee) iyo wasiirku ba kuwaas ayey daba fadhiyaan. 
Aad baan ugu cabsanayaa Somaaliland.
Waxa qoray: Rashiid Cabdillaahi

COMMENTS
Latest News