Yoolnews.com
Kulan Albaabbadu U Xidhnayeen Oo Dhexmaray Madaxweyne Biixi Iyo Saddexda Xisbi Qaran, Guddoon Ay Isla Qaateen Iyo Baaq Culus Oo Ay U Direen Guurtida
January 18, 2021 - Written by Yool News

Hargeysa (Yool) Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo ku-xigaankiisa,ayaa Hoggaanka sare ee saddexda Xisbi Qaran kullan ay albaabadu u xidhnayaan kula yeeshay Qasriga Madaxtooyadda,kaas oo ahaa mid lagaga wadda hadlayey arrimaha doorashooyinka iyo sidii la isku waafajin lahaa wakhtiga ay guddida doorashooyinku cayimeen inay dalka ka qabsoomaan doorashooyinka isku sidkan ee goleyaasha wakiillada iyo deegaanka oo ah 31/05/2021 iyo wakhtigii ay golaha Guurtidu u kordhisay Golaha Wakiillada.

Kullankaas, kadib ayaa waxa war-baahinta kula hadlay Madaxtooyadda masuuliyiinta saddex-da Xisbiga Qaran,kuwaas oo si isku mid ah u soo dhaweeyey,wakhtiga uu Komishanka doorashooyinku u cayimay inay doorashooyinka isku sidkan ay dalka ka dhacayaan oo ah 31 May 2021-ka.

Ugu horrayn ku simaha xog-hayaha guud ee xisbiga UCID, Mudane Cabdinaasir Yuusuf Cismaan Qodax, ayaa shaaciyey inay xisbiyada qaranku iyaga oo isku duuban isku raacsan yihiin sidii doorashada goleyaasha deegaanka iyo wakiillada loo qaban lahaa maalinta ay komishanka qaranku soo jeediyeen oo ah 31-ka bisha shanaad ee sannadkan aynnu ku jirno ee 2021-ka, waxana uu golaha guurtida ugu baaqay inay muhiimad gaar ah siiyaan waqtiga iyo ku midaysan yihiin Axsaata qaranka iyo Komishanka qaranku. “Annagu Xisbi ahaan Komishanka waanu Boggaadinaynaa hawshaa Qaran ee ay kasoo baxeen iyo wakhtigaa ay cayimeen,shacbiga reer Somaliland waannu boggaadinaynaa sidii ay diiwaangelinta uga qayb-qateen,maanta waxa inoo taalla uun in la is waafajiyo 31 May 2021-ka ee Komishanku uu cayimay iyo muddo xileedkii ay Golaha Guurtidu u kordhiyeen Golaha Wakiillada ee November 2021-ka,markaa shacbigu maanta waa u diyaar doorasho,Xukuumaddu waa du diyaar Xisbiyadduna waa u diyaar,waxaanu halkan codsi uga diraynaa Golaha Guurtida iyagoo ay eegayaan duruufta uu dalku maanta ku sugan yahay,iyagoo eegaya xaaladda guud ee Somaliland sida ay ugu alloosantahay shacbi  iyo Dowlad-ba iyo Xisbiyaba inay doorashadaas qabsoonto inay wakhtigaas oo kale ay is waafajiyaan tariikhda Komishanku qabtay iyo tii ay cayimeen.”ayuu yidhi Qadax

Dhanka kalene waxa isna halkaas ka hadlay Guddoomiyaha ku-meel gaadhka ah ee Xisbiga WADDANI Cabdiqaadir Jirte,waxaanu ka xog-warramay wuxuu daaranaa kullankii Madaxweynaha iyo Xisbiyadda Qaranka, isagoo soo dhaweeyey 31 May 2021-ka oo ah maalinta ay guddida doorashooyinku u asteeyaan inay dalka ka dhacaan doorashooyinks isku sidkan, isagoo ugu baaqay Golaha Guurtidu inay wakhtigan Komishankuwaafajiyaan muddo kordhintii ay sameeyeen “Marti qaad ayaanu ka helnay Madaxweynaha si aanu arrintaa uga arrinsano, waad ogeydeenoo Komishanku isaga oo raacaya tilmaamihii xeerka doorashadu uu tilmaamay maalintii ayay cayimeen ay doorashada ku qabanayeen oo 31 May 2021-ka,waxa kale oo jirta taariikh kale oo guurtidu qabatay oo ay golayaasha wakhtiga ugu kordhisay oo ay November 2021-ka goluhu inuu sii shaqeeyo ay cayimeen, markaa maanta waxaanu iskugu nimi sidii labadaa taariikhood la isku waafajin lahaa,maanta dadku doorasho ayuu diyaar u yahay hawl weyn ayaa si fudud inoogu qabsoontay,oo meelo aan la filayn inay diiwaangelintu gaadho ayaa dadki si niyad wanaag ah uga shaqeeyeen oo uga diiwaangashadeen,markaa maanta mawjad ayaa taagan dadku doorasho doonayo, markaa waxa aanu goosanay annagoo saddex-dii Xisbi ah in aanu si rasmi ah u taageerno maalintaa uu komishanku cayimay ee 31 May 2021-ka oo aanu boggaadino hawshaa,waxa kale oo aannu go’aaminay in aanu guurtidana ka codsano iyaga oo eegaya xamaasadda maanta jirta iyo caalamkii oo isha inagu haya,waxaanu go’aansanay in aanu guurtida ka codsano oo ka dalbano inay is waafajiyaan maalintaa ay cayimeen iyo maalintaa uu Komishanku qabtay oo ay iyaguna nala qataan oo ay ka hawl-galaan sidaas ayaanu iyana ka rajaynaynaa, madaama oo aanu diyaar u ahayn dadku in doorashadu ay dib inooga dhacdo mar kale,meel wanaagsana la soo gaadhsiiyey,Guurtida waxaanu ka rajaynaynaa iyadoo shir guddoonadii joogaan saddex-da Xisbi iyo Madaxweynaha iyo ku-xigeenka in aanu kala shaqayno sidii la isku waafajin lahaa labadaa taariikhood.”ayuu yidhi Guddoomiye Jirde .

Geesta kalena Guddoomiye-ku-xigeenka koowaad ee xisbiga KULMIYE, ahna wasiirka arrimaha gudaha Maxamed Kaahin Axmed, ayaa isna ka haddlay ujeedada kullankaas waxaanu haddalkiisa ku bilaabay sidan:- “ Maanta waxa shir iskugu yimi saddex-da Xisbi Qaran Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo Madaxweyne ku-xigeenka,waxa ka horeeyey kullan ay wadda yeesheen Madaxweynaha iyo Komishanka doorashooyinka sida la ogyahay waxaynu ku jirnay oo iminka inoo soo afjarantay diiwaangelintii codbixiyayaasha oo komishanka doorashooyinku uu hagaayey,Xukuumadduna ay ka qayb-gashay axsaabta Qarankuna ay ka qayb-galeen,waxa inoo hadhsanaa markaa xiligii la muddaynaayey doorashadii labada Golle ee Golaha Degaanka iyo Golaha Wakiillada sida aynu ka wadda war-hayno ee uu qayaxayo xeerka doorashada Jamhuuriyadda Somaliland waxa doorashada xeerkeeda iyo muddaynteeda haddii ay diiwaangelinta tahay iyo haddii ay doorashada tahay-ba hagaaya komishanka doorashooyinka, Komishanka doorashooyinku waxay soo jeediyeen,tallo soo jeedintii, iyagu waxay xaqa u lahayeen goorta ay is leeyihiin waa ay dhacaysaa doorashadu, waxay ku soo muddeeyeen bisha May 31-2021-ka inay dhacdo doorashadii labada Golle .”

Waxaanu intaas ku sii daray “Xisbiyadda Qaranku waxay isla wafaqeen inay taageeraan si middaysan inay u taageeraan doorashada tallo soo jeedintay ay soo jeediyeen Komishanka doorashooyinku,waxa kale oo ay soo jeedinayaan iyaga oo middaysan si Qaran ahaan aynu u middaysano dib u dhac dambena aanu inagu dhicin, madaama ay Guurtidu mudda’deeda hor u kordhisay in Xisbiyadda,Xukuumaddu iyo guurtida ay si wada jir ah ay ka wadda hawlgalaan si la isku waafajiyo mudda’dii hore ee ay guurtidu magacowday ee ay tilmaantay iyo mudda’da ay iminka Komishanku soo jeediyeen, si ay doorashadeenu ugu dhacdo arrin aynu ka wadda middaysanahay Xisbiyadda Qaranka iyo Xukuumadda,Komishanka Doorashooyinka Qaranka intaas ayaanu maanta isku waafaqnay.”

COMMENTS
Latest News