Yoolnews.com
Jabuuti Oo La Wareegaysa Badi Xoolihii Ka Dhoofi Jiray Somaliland, Kililka Shanaad Iyo Meelo Kale, Dekedda Ay U Diyaarsatay Iyo Halista Dhaqaale Ee Somaliland Ku Waajahan
January 18, 2021 - Written by Yool News

Jabuuti (Yool) Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya ayaa shaacisay war-bixin dheer oo ay kaga hadashay qorshe ay iyada iyo Jamhuuriyadda Jabuuti isla meel dhigeen oo ku aaddan sidii Xoolaha Waddanka Itoobiya gabi ahaanba looga dhoofin lahaa qayb cusub oo dhoofka xoolaha laga furay Dekedda Dooraale ee dalka Jabuuti Toddobaadkan, qorshahaasi oo halis weyn oo dhaqaale ku noqon kara Somaliland.

War-bixin habeen hore lagu baahiyay Mareegta wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya ayaa lagu faahfaahiyay qorshaha Itoobiya iyo Jamhuuriyadda Jabuuti ee la xidhiidha dhoofinta xoolaha Geeska Afrika ee Dekedda Dooraale gaar ahaan qayb cusub oo Dekeddaasi lagu soo kordhiyay oo gaar u noqon doonta dhoofinta xoolaha oo xafladdeeda xadhig-ka-jaristu qabsoontay dorraad Sabtidii.

Wasiirka Beeraha Waddanka Itoobiya Mudane Cumar Xuseen oo Itoobiya u matalayay xafladda xadhig ka jarista Teerminaalka cusub ee xoolaha laga dhoofin doono Ee Dekedda Dooraale ayaa sheegay faa’iidada weyn ee ay dekedda cusub ee Dooraale “Multi-Purpose Port” u yeelan doonto dalkiisa gaar ahaan xoojinta dhoofka xoolaha Itoobiya.

Wasiirka Gaadiidka Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Muuse Maxamed Axmed yaa isaguna waxa uu sheegay Inkastoo ay itoobiya leedahay mid kamid ah xoolaha ugu badan qaarada africa ee leh noocyo kala duwan oo qiimo badan haddana wakhtigan iyaga iyo Itoobiya ay isku garabsan doonaan sidii ay xoolahaa ugu dhoofin lahayd dalalka Dunida taasi oo qiimo dhaqaale oo sare labada waddanba u yeelan doonta.

Saraakiisha Jamhuuriyadda Jabuuti waxa ay xuseen in ay diyaariyeen deegaan ku habboon dhoofinta, baadhitaanka caafimaad, ilaalinta bed-qabka xoolaha iyo wax kasta oo tashiilaad ah oo lagama maarmaan u ah dhoofinta xoolahan arrintaasi oo waftiga Itoobiyaanka ahaa ee xafladdaasi ka qayb galay ay si weyn usoo dhaweeyeen.

War-saxaafadeedka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya waxa kale oo uu intaasi ku daray in Jabuuti ku ammaanan tahay horumarinta ay ku samaysay teerminaalka dhoofka xoolaha ee Dekedda Dooraale oo ay ku tilmaameen mid wakhtigan awooddeedu sarrayso farsamo ahaan iyo qalab ahaanba taasi oo dhiirri galinaysa in sannad walba Itoobiya Dekeddan ka dhoofsato Malaayiin neef oo xoolo ah. “Labada dhinacba waxay qaddariyeen horumarka illaa hadda la sameynayo waxayna ku baaqeen in loo baahan yahay in la sii xoojiyo dadaallada iyo waliba guddiyada isku dhafan ee labada waddan ee arrintan la xidhiidha oo maalin wakhti badan shaqayn doona”. Ayaa lagu yidhi Warsaxaafadeedka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya.

Tallaabada haddaba Jabuuti ku dhisanayso Teerminaalkan xoolaha u gaarka ah iyo go’aanka Itoobiya ku doonayso in ay xoolaheeda kaga dhoofiso dekeddaasi ayaa halis weyn oo dhaqaale ku noqon kara Somaliland oo ay Dekeddeeda Berbera sannad walba maraan lagana dhoofiyo Xoolaha ka kala yimaadda Somaliland, Itoobiya iyo Soomaaliya.

Isku soo wada duuboo Inkasta oo khubarada dhaqaalaha gaar ahaan ganacsiga u dhuun daloolaa sheegaan in xoolaha laga dhoofiyo dekedda Berbera 60% yihiin xoolaha innooga yimaadda dalka Itoobiya gaar ahaan Deegaanka Somaliland ayaa haddii ay Itoobiya si rasmi ah u go’aansato in dhammaanba xoolaheedu ka dhoofaan Dekedda Jabuuti waxa xaqiiqo ah in ay tallaabadaasi wiiqi doonto dhoofkii xoolaha ee dekedda Berbara waana tallaabo u baahan in xukuumadda Somaliland ka tabaabulshaysato.

COMMENTS
Latest News