Yoolnews.com
Guddida Doorashooyinka Qaranka Somaliland Oo Xil-wareejin U Sameeyey Agaasimaha Cusub Ee Dhowaan Loo Magacaabay Koomishanka
January 18, 2021 - Written by Yool News
Hargeysa (Yool)- KDQ ayaa maanta xilwareejin u sameeyay Agaasimihii Guud ee hore Mudane CabdiRaxmaan S. Yuusuf iyo Agaasimaha Guud ee cusub, Mudane Jamaal Maxamed Jaamac Cashuur.
Munaasibadda Xilwareejinta oo ka dhacday Madasha Shirarka ee Xarunta Dhexe ee Komishanka ayaa lagaga marag kacay Shaqadii wanaagsanayd iyo Xilkasnimadii Agaasimihii hore muujiyay muddadii uu xagiiska joogay iyadoo niyadsamaan iyo gacmo-furan lagu soo dhaweeyay Agaasimaha Cusub isla markaana loo rajeeyay guul looguna duceeyay mas’uuliyada fuushay in Alle ku garabgalo.
Xubnaha Komishanka ayaa Munaasibadda Xilwareejinta goobjoog ka ahaa, waxaana halkaas isna kelmado soo dhawayn iyo sagootin ah ka yidhi Commissioner Dalmar iyo Guddoomiye Eng. Abdirashid M. Cali. Ugu dambayna waxaa si rasmi ah dakumentiyadii xilka ugu kala wareejiyay labada Agaasime Guddoomiyaha Komishanka oo ay wehelinayaan dhammaan Xubnaha Komishanku, gooboogna ka yihiin Saraakiisha iyo Shaqaalaha Xarunta Dhexe ee Komishanku.

COMMENTS
Latest News