Yoolnews.com
Booliska Oo Xabsiga Dhigay Haweenay Xad-Gudub U Geysatay Gabadhii Yarayd Ee Baraha Bulshada Qabsatay Iyo Guddoomiyaha Baanka Oo Shaqaalaysiiyay Inanta Yar
January 18, 2021 - Written by Yool News

Hargeysa (Yool)- Ciidanka amaanka ee Magaalada Hargeysa ayaa sheegay inay xabsiga dhigeen haweenay dhawaan tacadi u geysatay gabadh Yar oo Adeegto uga hayd gurigeeda,taas oo muuqaal xad-gudub ah ka duubtay,isla markaana ku baahisay baraha bulshada ay ku xidhiidho.

Haweenayday falkaas arxandarada ah kula kacday gabadh yar ee aan qaan-gaadhka ahayn oo ay ciidanka boolisku hore u sheegay in ay sharciga horkeeni doonnaan,isla markaana ay muddo ku raad-joogeen, ayaa shalay ay gacanta ku soo dhigeen, waxaana loo taxaabay xabsiga Saldhiga Kood-buur ee Magaalada Hargeysa.

Ciidanka Booliska Somaliland ayaa qoraal kooban oo ay baahiyeen ku sheegay sidan:”Abaaro 12 Dihurnimo Ee Maanta ayaa Ciidanka Booliska Somaliland Xabsiga U taxabeen Samsam Ismaaciil Cartan, oo dhawaan gabadh yar oo u shaqaynaysay Ka duubtay Muuqaal.”Ayaa lagu sheegay. Waxa kale oo qoraalka ciidanka Booliska kasoo baxay lagu sheegay“Samsam ayaa hada ku xidhan Saldhiga Koodbuur Ee Magaalada Hargeisa.Ciidanka Booliska ayaa gacanta ku haya baadhitaan khuseeya waxa ku kalifay Muuqaalka ay ka duubtay Gabadhaasi yar Ee u shaqaynasay.Wixii Faah-faahin ah Ciidanku Dib ayuu ula wadaagi Shacbiga Somaliland.”ayaa lagu sheegay.

Dhanka kalene Baanka dhexe ee Somaliland ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay inuu shaqaalaysiiyey gabadha yare ee loo geystay xad-gudubta ka baxsan bila’aadantinimadda “Madaxda Sare ee Baanka Dhexe ee JSL, markii ay arkeen muuqaalka lagu baahiyay barraha bulshadda ee ku saabsan gabadha yar ee gacanta ku xidhan calanka JSL, taas oo ay muuqatay ku xadgudub xuquuqiyaadka aasaasiga ah ee gabadha yar, isla markaana ay arkeen duruufaha ku gadaaman qoyska gabadha yar;Waxaa uu Guddoomiyaha Baanku Go’aamiyay in gabadhaas yar laga shaqaalaysiiyo Baanka Dhexe ee JSL.”

Geesta kalene bulshada reer Somaliland oo arrinta si dhaw ula socday,isla markaana si weyn uga soo horjeestay falkaas ay haweenaydaas kula kacday Gabadha yar, ayaa si weyn u soo dhaweeyey tallaabadda ay ciidanka booliska qaadeen ee ay kusoo xidheen haweenaydii falka foosha xun ugeysatay gabadh yar ee adeegtada u ahayd,waxaana ku bogadeen shacabku ciidanka tallabadaas. Sidoo kalena Bulshada reer Somaliland ayaa si weyn u soo dhaweeyey una amaanay masuuliyiinta Baanka dhexe ee Qaranka Somaliland oo sheegay in Gabadhaas yar ay ka shaqaalaysiiyeen baanka dhexe ee Qaranka Somaliland.

 

COMMENTS
Latest News