Yoolnews.com
Hawlgal Qashinka Lagaga Nadiifinayo Badda Hoosteeda iyo Nawaaxiga Dekeda Berbera oo lagu sameeyey Taarikhda Markii ugu Horaysay Janaalka Maraakiibta soo Marto marka ay kusoo Xidhanayan Dekeda
January 14, 2021 - Written by Yool News

Berbera(Yool)-Taarikhda markii u horaysay Badda Somaliland iyo Janaalka Maraakiibtu soo marto Dekeda Berbera, ayaa lagu sameeyey hawlgal Balaadhan oo lagu madiifinayo Biraha Xashiishka ah oo mudo dheer dhib ku hayey mawaaxiga Maraakibtu usoo marto Dekeda.
Khubuuro iyo Xeel-dheerayaal ku takhakhusay Cilmiga nadiifinta Badda iyo Dekedaha dunida, ayaa soo Saaray khashin, sannooyin badan istuulay bada hoos-teeda. Sidoo kale waxa weli socda hawlgalka balaadhan ee lagu madiifinayo Bada iyo marinka Maraakiibtu soo marto.
Qashin Qaadka lagu sameeyey gudaha Bada iyo Dekeda ayaa sahlaya inuu sugnaado amniga Maraakibta kusoo xidhanaysa Dekeda Berbera, maadaama oo ay hadda dhaamayso Dekeda cusub, isla markaana ay Dekeda kusoo fool leeyihiin Maraakiibta waaweyn oo sida Koontiinaro.
Talaabadan ayaa ah guul weyn iyo horumar Balaadhan oo ay ku Talaabsatay Dekeda Berbera iyo bada u dhow, waxanay kamid tahay dedaalada Xukuumada Somaliland ku Horumarinayo Bada iyo janalka maraakiibta soo marto marka ay kusoo xidhanayan Dekeda Berbera.
Dekeda Berbera ayaa sannooyinkii u dambeeyey lagu sameeyey horumar Balaadhan oo dhinac walba ah.

COMMENTS
Latest News