Yoolnews.com
Reer Boorama iyo Weftigii Guddoomiye Dr Cabdiraxmaan Cirro Oo Si Kal Furan Isku Xog-wareystay + SAWIRRO.
November 30, 2020 - Written by Yool News

Boorama(Yool)- Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro iyo weftigii uu hogaaminayey kana mid ahaayeen Musharraxa Madaxweyne Ku-Xigeenka Xisbiga Ambassador Maxamed Cali Aw-Cabdi, Xildhibaan Abubakar Cabdiraxmaan Good, iyo Mas’uuliyiin kale oo Heer-qaran ah, kana mid yahay Xoghayaha gaarka ah ee Guddoomiye Cirro Md Cabdiqaadir Iidle, kuwaas oo ku sugan Magaaladda Boorama ee Xaruunta Gobolka AWDAL, ayaa shalay galabta socdaal indho-indhayn ah ku soo maray faras Magaalada Boorama iyagoo Si kal furan Isku Xog-wareystay bulsho weynta Reer Boorama.

Weftiga la socday Guddoomiyaha oo bulshada la casariyeeyay, ayaa kala sheekaystay xaaladda nololeed, isla markaana waxa uu Guddoomiyuhu bulshada uga warramay marxaladda siyaasadda ee dalku marayo iyo ahmiyadda Diiwaan-gelinta Cod-bixiyeyaasha Doorashooyinka ee dib uga bilaamatay dhammaan degmooyinka Gobolka Awdal ka kooban yahay. Iyadoo Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI iyo masuuliyiinta weftigiisa ah ee la socdaaba ay Bulshadda Reer Boorama iyo Guud Ahaanba Gobolka AWDAL si Weyn ugu soo jeediyey inay si balaadhan uga qaybgalaan qaadashadda kaadhka Cod-bixinta oo uu carabka ku dhufteen Guddoomiyuhu inay xuquuqdooda iyo Wixii ay xaq u leeyihiin Gobolka AWDAL ahaan wax Weyn ka tari doona markay si fiican isku Diiwaan-geliyaan.

Dhanka kale Bulshadda Reer Boorama, ayaa Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Dr Cirro iyo masuuliyiinta Xisbiga ee Heer-qaran Ee la socdo ba uga Mahadceliyey sida kalka furan ee uu Bulshaddiisa u soo dhexgaleen, una waraysteen, iyaguna ugu warameen.

Ugu dambayn jawi degan iyo mid farxadeed ayey Weftiga Guddoomiyaha iyo Bulshadda Reer Boorama isku maca’salaameeyeen.

Khaddar Ali Khum

COMMENTS
Latest News